Nuxurka Kulamo Wefti Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamku la Yeesheen Xisbiyada iyo Komishanka

Hargeysa(Aftahannews):- Wefti ka socda qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ee taageera doorashooyinka Somaliland, ayaa  kulamo kala duwan la yeeshay xisbiyada qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka, kuwaasoo ka wadahadlay qoddobo salka ku haya hawlaha doorashooyinka soo socda.

guddoomiyayaasha xisbiyada

Weftiga qaadhaan-bixiyeyaasha ah oo safar ku yimi Hargeysa shalay, ayaa la sheegay in ujeeddada socdaalkoodu salka ku hayo khilaaf u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka oo la xidhiidha qaabka dalka looga hirgelinayo labada diiwaangelinood ee codbixiyeyaasha iyo maddaniga (civil rigestration), waxaanay masuuliyiinta xisbiyada mucaaridku u gudbiyeen weftiga warbixinno khuseeya sida ay u taageersan yihiin in xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha si degdeg ah loo dhammaystiro.

Sida xogo Jamhuuriya kulannadaas ka helay tibaaxeen, waxa madaxda xisbiyada WADDANI iyo UCID u sheegeen weftiga inay ka soo horjeedaan qorshe ay xuseen in xukuumaddu wadato oo lagu doonayo in la isku xidho labada diiwaangelinood ee codbixiyeyaasha iyo ta maddaniga, dawladduna jeceshay in marka hore la hirgeliyo diiwangelinta maddaniga, kadibna lagu xigsiiyo ta codbixiyeyaasha, arrintaasoo ay ku sifeeyeen inay tahay mid ka horimanaysa heshiis hore xisbiyada qaranka u wada gaadheen, Komishanka, Wasaaradda Daakhiliga iyo Madaxtooyaduba, kuna saabsan in aan la isku xidhin labada diiwaangelinood, noqdaanna laba mashruuc oo is-dhinac socda, mudnaantana lana siiyo midda codbixiyeyaasha si aannu dib-u-dhac ugu iman doorashooyinka u qoondaysan sannadka 2015.

Sidoo kale, weftiga iyo asxaabta ayaa la sheegay inay ka wadahadleen sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha loogu diyaargaroobayo qabsoomidda doorashooyinka, loogana gudbi karo waxyaabaha caqabadaha ah ee khatarta ku noqon kara hawshaas.

Dhinaca kale, sida xogaha Jamhuuriya helay muujiyeen, waxa weftiga qaadhaan-bixiyeyaasha ah la kulmeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay ka wadahadleen hawlaha doorashooyinka, gaar ahaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo barnaamijyada kale ee ku saabsan hirgelinta sidii doorasho xor iyo xalaal ah uga dhici lahayd Somaliland.

Xubnaha ka socda dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha, xisbiyada iyo Komishanka, ayaa sidoo kale xoguhu sheegeen inay ka wadahadleen waxa laga yeelayo labada doorasho ee madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo u wada muddaysan sannadka 2015, iyagoo xisbiyadu ku kala aragti duwan in labada doorasho mar la wada qabto iyo in la kala horraysiiyo.

Xigasho Jamhuuriya.