Madaxweynaha Jabuuti oo ka badbaaday iskuday Dil Toogasho ah iyo Saraakiil Rasaastu ku dhacday

Jabuuti(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka badbaaday isku day dil, ka dib markiii sida la sheegay ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Geelle uu Rasaas furay wakhtigi uu Madaxweynuhu ka soo degayay garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti Isniintii.

MADAXWEYNAHA JABUUTI OO DIL KA BADBAADAY

mohamed-djama

Waxaana ugu yaraan laba Askari Rasaastaas Askariga ilaalada Madaxweyhne Ismaaciil Cumar Geelle uu furay ku dhaawacmay, kuwaasoo iyaguna ka tirsanaa isla ilaalada Madaxweynaha Jabuuti, mid ka mid ah labada Ruux ee dhaawacmay, ayaa ah Dr. Idiris Cabdi Galab oo la sheegay inuu Caafimaadka Madaxweynaha qaabbilsanyahay.

Falkan, ayaa dhacay gelinkii dambe ee Maanta oo Isniin ah, Madaxa Ciidanka Ilaalada Jamhuuriga Maxamed Jaamac, ayaa War-Saxaafaddeed uu soo saaray ku xaqiijiyay dhaawaca laba Askari oo  uu ku jiro Sarkaal Ciidanka u qaabbilsan Caafimaadka, waxaanu sheegay inuu kiiskaasi u dhacay si aan weli caddeyn, balse baadhis lagu wado.

Sarkaalka u hadlay Ciidanka ilaalada Jamhuuriga, ayaa intaas ku daray la qabtay Askariga falka geystay, isla markaana la baadhayo, natiijada baadhistaasna ay gadaal ka shaacin doonaan markay sax u ogaadeen.

Inkasta oo ay wararka qaar sheegayaan inuu Madaxweynuhu ku sugnaa goobta falku ka dhacay, haddana  La-taliyaha dhinaca Warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti Najiib Cali Tahira, ayaa VOA-da u sheegay in sababta toogashadu ay u muuqato khilaaf gaar ah oo u dhexeeyay Askariga Rasaasta riday iyo Dhakhtarka dhaawacmay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.