“Yeynaan ku cel-celin Shirkan iyo wixii ka soo baxayaa waxay u eg yihiin kii Khaatumo, sida Cudurrada” Wasiir Cadami

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah oo ka soo socota ama shaki uu ka qabo Shir Beesha Bariga Sanaag qaban-qaabadiisa dhawaanahan wadday oo lagu wado inuu ka qabsoomo deegaanka Xiin-galool oo 40-KM dhinaca Waqooyi kaga beegan degmada Badhan ee xarunta gobolka Badhan, kaasoo ay Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsani walaac ka muujiyeen toddobaadkii hore.

WASIIRKA GAASHAANDHIGGA AXMED XAAJI CALI CADAMI

Wasiir Cadami oo maanta Warbaahitna kula hadlay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu ku dooday inuu yahay qofka ugu xog-ogaalsan ama ugu war-roon Shirkaas iyo ujeeddadiisa, waxaanu sheegay inuu yahay Shir Siyaasad ka fog oo ay Beesha Warsangeli kaga tashanayso aayohooda oo uu yahay shir-Beeleed Dhaqan.

Hadalka uu Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ka jeediyey Shirka Jaraa’id ee uu maanta ku qabtay Waasaaraddiisa oo Cod ah waxaan idiinku soo gudbinaynaa Aftahannews/Radio qaybteenna Codka ah ee Dhegaysi habboon Warkaas oo faahfaahsan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.