Wasiirka Duulista oo ku tallaabsaday Sharci-darro si Badheedh ah loogu baadhanayo Jeebadaha Shacabka

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa bilaabay musuqmaasuqii, boobkii iyo lacag-urursigii ugu ballaadhnaa ee sharci-darro ah, isla markaa si badheedh ah loo shaaciyo, ka dib markii Lacag aan Golaha Wakiillada oo Awood sharci u leh ansixinta kordinta Cashuuraha kala duwan ee dalka, iyadoo ay Wasaaradda Duulistu ku dhawaaqday lacag badan oo dul-saar ah oo aan ansax ahayn.

WASIIRKA DUULISTA IYO MAAMULAHA MADAARKA HARGEYSA

Maamulka Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo Wasiirku Amro, ayaa 14-kii bishan Shirkadda Xayaysiisyada Warbaahinta Boobta ee lagu magacaabo TELESOM Taleefannada Kaadhkeedu ku jiro soo mariyey farriin ay u dirayaan dadweynaha reer Somaliland, taasoo ay dadka doonaya inay ka dhoofaan Madaarrada dalka ku ogeysiisay inay ku soo talo-galaan lacag dheeraad ah oo qayrul-sharci ah oo la kordhiyey, iyada oo markii horeba cabasho weyni ka taagnayd Madaarka Hargeysa oo ay dadweynuhu dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jirineen markay dhoofayaan iyo markay soo degayaan-ba.

“Waxa uu Maamulka Madaarka Cigaal INTERNATIONAL ee Hargeysa ogeysiinayaa Rakaabka ka dhoofaya Madaarrada Somaliland in ay ku soo talo-galaan nLacagta Cashuurta Madaarrada oo kala ah sidan; dadka da’doodu ka weyn tahay 15-jir Cashuurtu waa $43 Doollar, dadka da’doodu ka yar tahay 15-jir Cashuurtu waa $10 Doollar, si ay u fududaadaan Kuyuuga iyo Habsami-u-socodka hawlaha Dhoofku. Mahadsanidin.” Sidaa waxa lagu yidhi Ogeysiiska Farriinta ah ee la soo mariyey Taleefannada Gacanta ee Kaadhka Shirkadda Qawlaysatada ah ee Telesom ku jiraan Taleefannadooda.

Hase-yeeshee, waxaa tallaabadan ka qayliyey Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, kuwaasoo ku tilmaamay Sharci-darro muujinaysa Boobka ay Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Xisbiga KULMIYE ugu jiraan Hantida dadweynaha, isla markaana caddaynaysa in wixii ay dawladdu gacanta ku haysay markii la soo dhaafay in si badheedh ah oo sharci-darro ah loo baadho Jeebadaha Shacabka reer Somaliland, gaar ahaan Qurbo-joogga dalkooda hooyo u soo boholyoobay wakhtigooda Fasaxa ee Xagaaga inay ku qaataan, si ay Carruurtooda u baraan dadkooda, dalkooda iyo dhaqankooda-ba.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo hore  u soo rogay qaadista Lacago Sharci-darro ah iyo Maamulka isaga hoostaga ee Madaarka Hargeysa, ayaan weli wax faahfaahin ah ka bixin dhawaaqa Sharci-darrada ah ee ay Farriinta kor ku xusan ku muujiyeen.

Lacagta ay Sheegeen inay ku kordhiyeen dadka reer Somaliland ee Madaarrada dalka ka dhoofaya ayay Golaha Wakiillada Somaliland hore u ansixiyeen toban Doollar oo keliya in laga qaado dadka dhoofaya iyo kuwa soo degaya oo cashuur ah.

Hase-yeeshee, waxa kale ee ay shaaciyeen toddobaadkii hore ayaan sharciga meelna kaga jirin, isla markaana ay Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee arrinta ka hadlay ku tilmaameen tallaabo indha-adayg, sharci-darro, hanta-boob iyo qaab badheedh ah oo Jeebadaha Shacabka loo baadhanayo, taasoo ay xuseen inaaay Gole ahaan waxba ka ogeyn ee ay farriinta dadka loo diray uun ku war-heleen.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka mid ah Wasiirrada dhawrka ah ee awoodda badan ee ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo la sheego inuu ka mid yahay dhawrka Wasiir ee habka beelnimo awoodda badan ku leh, taasoo uu sida isagu uu doono inuu ugu tagri-falo awooda dheeraad ah ay ku eedeeyaan Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ka tirsani, waxa sidan uu u yeelayana ay dad badani aamminsan yihiin inay tahay isku-hallaynta dhinaca Madaxweynaha.

La Soco Qormooyin kale oo muujinaya ama kashifaya Musuqmaasuqa iyo Lacag-urursiga ka dillaacay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Madaarrada ay Maamusho ee dalka ka jira, gaar ahaan kuwa Berbera iyo Hargeysa oo ah labada shaqeeya, kuwaasoo aannu si taxane ah halkan Aftahannews idiinku soo gudbin doonno Haddii ILLAAHAY yidhaahdo Insha Allaah.

Cabdifataax I. Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.