Maamulka Togdheer & Xildhibaan Nacnac oo ka hadlay Muddaharaad Burco Gilgilay oo Xukuumadda ka dhan ah

Burco(Aftahannews):- Guddoomiyaha gobolka Togdheer iyo Xildhibaan Axmed Diiriye (Nacnac), ayaa ka hadlay Muddaharaad maanta gilgilay magaalada Burco ee xarunta gobolkaas, kaasoo lagaga soo horjeeday Odayaal Dhaqameed ka soo jeeda Beesha Cabdalla Arab oo xalay Xabsiga magaaladaas loo taxaabay, ka dib markii ay ku gacan-saydheen aqbalaadda go’aan ay soo jeediyeen Wefti Xukuumaddu u dirtay oo Xildhibaan Nacnac ka mid yahay.

MUDDAHARAAD KA DHACAY BURCOMUDDAHARAAD KA DHACAY BURCO 4

MUDDAHARAAD BURCO MUDDAHARAAD BURCO 2  MUDDAHARAAD KA DHACAY BURCO2 MUDDAHARAAD KA DHACAY BURCO 3  MUDDAHARAAD KA DHACAY BURCO 44 MUDDAHARAAD KA DHACAY BURCU AFTAHANNEWS MUDDAHARAAD KA DHACAY M BURCO MUDDAHARAAD KA DHACAY MAGAALADA BURCO

Muddaharaadkaas lagaga soo horjeeday Xadhigga Odayaasha Beeshaas, ayaa ka bilaabmay Xafiiska maamulka gobolka, isla markaana gaadhay xarunta dawladda hoose iyo Xabsiga dhexe ee magaalada Burco, iyaga oo qaybo waddooyinka magaalada ka mid ah Taayirrada Baabuurta ku gubay, isla markaana socod ku marayey goobahaas kala duwan, ayay dalbanayeen in xorriyaddooda loo soo celiyo Odayaasha Dhaqanka ee Beeshooda ka xidhan, hase-yeeshee inkasta oo aanu muddaharaadku mid fudud ahayn, haddana ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaaa markii dambe kala kaxeeyey Ciidammada ammaanka magaalada Burco.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Badhasaabka gobolka Togdheer iyo Xildhibaan Nacnac

 aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.