Dhul-gariir Xooggan oo Gilgilay Qaybo ka tirsan Waddanka Iran

Iran(Aftahannews):- Dhul-gariir xooggan, ayaa gilgilay qaybo ka mid ah Iran, gaar ahaan Galbeedka waddankaas oo uu dhaw xadka Iran la wadaagto dalka Ciraaq.

FFBEAA58-BA9A-4EE4-8188-A58C5DAEF85F_w443_h249

Hay’adda Mareykanka ugu qaabilsan arrimaha dhulka ee U.S. Geological Survey ayaa sheegtay in dhulgariirkaasi oo qiyaastiisu ahayd 6.2 uu ku dhuftey goob ilaa 36 km dhanka koonfuur galbeed ka xigta magaalada Abdanan subaxnimadii maanta .

Televishanka qaranka iyo saraakiisha maxalliga ee dowladda ayaa sheegay in uu jiro khasaare soo gaarey dhismeyaasha, isla markaana ay dad gaaraya 60 dhaawacmeen.

Hay’adda U.S. Geological Survey ayaa sidoo kale sheegtay inay jiraan dhulgariiro kale oo yar yar oo ilaa saddex gaaraya qiyaastodana ay u dhexeysey 4.5 ilaa 5.6 ay isla goobtaasi ku dhufteen saacado kadib.

Xigasho SOMALIVOA.COM.