Ergayga Qaramada Midoobay oo Somaliland yimid iyo Ballan-qaadka uu sameeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa maanta oo Isniin ah booqasho rasmi ah ku yimi magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaanu ballan-qaaday inay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa taageeri doonto hormarka iyo nabadgelyada Somaliland ka jira.

130913121750_sp_nicholas_kay_un_304x171_afp

Waxa sidaa lagu faahfaahiyey War-Saxaafadeed Qoraal ah oo uu soo saaray Afhayeenka UNSOM Aleem Siddique, kaasoo nuqul ka mid ahi maanta soo gaadhay Aftahannews.com, waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:-

“Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaliya Nicholas Kay ayaa saaka yimid Hargeysa, caasimadda Somaliland, wuxuna ballan qaaday in la kordhinayo taageerayada Qaramada Midoobay.  

Inta uu booqashada ku joogo Somaliland Nicholas Kay wuxu la kulmi doonaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire si ay uga wada hadlaan fursadaha lagu kordhin karo waxqabadka Qaramada Midoobay ee dhinaca nabadda, xasiloonnida, iyo horumarka dadka reer Somaliland.

“Somaliland sannadihii u dambeeyey waxay samaysay horumar baaxad weyn taas oo ay Xukuumadda iyo dadkuba u qalmaan in si dhammeystiran loogu ammaano. Waan ka mahadcelinayaa fursaddan la ii siiyey si aan u daraaseeyo qaabka loo sii kordhin karo loona xoojin karo wada-shaqayn dhex marta UNSOM iyo maamulka Somaliland, taas oo dan u ah dadka” ayuu yidhi Md. Kay.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay UNSOM.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.