Shaqaalaha Caafimaadka Awdal oo Cabasho iyo Eedayn u jeediyey Xukuumadda & Jawaabta Wasaaradda

“Xannaanooyin badan oo gobolkan Awdal ah oo 23 Xannoono iyo Cusbitaallo ahi way iska soo xidhmi doonaan..” “Siddeed Bilood Mushahar maannaan qaadan, cabashadayana waxba lagama qaban weli..” Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Caafimaadka Awdal iyo Cusbitaalka Boorama

 “Way iska hadlayaan ee ma jiro Shaqaale Bilaa Mushahar ah oo Wasaaradda Caafimaadka ka tirsan oo Cusbitaalka guud ee Boorama iyo gobolka Awdal joogaa..” Wasiir Ku-xigeenka W/Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan: Waraysi Gaar Ah:

Boorama(Aftahannewws):- Shaqaalaha iyo Maamulka Caafimaadka Boorama oo uu weheliyo Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee gobolka Awdal Cabdiraxmaan Jaamac Xaddi oo ay weheliyaan Maamulka iyo Shaqaalaha Cusbitaalka guud ee magaalada Boorama, ayaa ka dayriyey xaaladda adeeg iyo shaqo ee Cusbitaalkaas, isla markaana waxay sheegeen inaanay muddo siddeed bilood ah Shaqaalaha Cusbitaalkaasi qaadan wax Mushahar ah iyo wax gunno ah haba-yaraatee, ka dib markii sida ay sheegeen inay dalka ka baxday Hay’addii Copy oo gunno siin jirtay.

SHAQAALAHA CAAFIMAADKA GOBOLKA AWDA IYO NIMCO XUSEEN QAWDHAN

Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka u qaabbilsan gobolka Awdal Cabdiraxmaan Jaamac, waxa uu sheegay inay qarka u saaran yihiin in albaabbada loo laabo goobaha Caafimaadka ee gobolkaas, waxaanu yidhi; “Sannadkan 2014-ka Hay’adihii halkan Awdal ka hawlgeli jiray ee Copy, World Vision, Bisha Cas iyo kuwo kale way ka baxeen, kuwaasoo shaqaalaha iyo adeegyada caafimaadkaba kaabi jiray, Hay’ad qudha oo hadda joogtaa ma jirto, Hay’adda Copy oo ugu dambaysay oo December 2013-kii gobolka ka baxday, intaas waxa dheer wax gurmad ah oo haba-yaraatee ay Xukuumadda Somaliland ka samaysay arrintaasi ma jirto. Baaqyo iyo Qaylo-dhaan aannu marar badan gaadhsiinnay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxda dawladda wax jawaab ah oo nagaga soo noqday haba-yaraatee ma jirto.”

Waxa kale oo uu Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadk

“Waxaannu ku rejo waynahay in bishan dhammaadkeeda Mashruuc Caafimaad uu bilaabmi doono, haddii uu kaasi bilaabmo wuu soo kaban caafimaadka gobolku, Weli gacan kuma haynee haddii Mashruucaasi dib u sii dhaco waxay noqonaysaa Xannaanooyin badan oo gobolkan Awdal ah oo 23 Xannoono iyo Cusbitaallo ahi way iska soo xidhmi doonaan runtii. Markaad eegto Caafimaadka gobolku waa wax ku xidhan Hay’adaha, maalintay hay’aduhu kuu joogaanna Caafimaadkaagu wuu soconayaa, maalinta ay hay’adahaasi kaa tagaanna in halkii laga bilaabay ay dib ugu noqdaan goobaha Caafimaadku.”

“Waxaan ka mid ahay Shaqaalaha Caafimaadka Cusbitaalka guud ee Boorama, waxaanan ka hadlaynaa arrimo nala soo dersay oo aan aragnay, waxaa ka mid ah waxa halkan (Cusbitaalka Boorama) joogay Hay’adda Copy oo Lacag gunno ah shaqaalaha siin jirtay, intii ay ka baxday wax Mushahar ah oo ay shaqaaluhu qaateen ma jiro. Maamulkayagu marar badan oo uu Hargeysa tegay oo Cabashadayada gudbiyey oo wax noo doonay, oo ballan noo qaaday oo aanay ballantaa waxba ka hirgelin, Cusbitaalka magaalada Burco laba Hay’adood baa ka baxay, labadaa Hay’adood markay ka baxeen dawladda Somaliland ayaa buuxisay doorkii hay’adaha oo Shaqaalaha Lacagtoodii bixisay. Markaa, annagu miyaannaan ka mid ahayn Shaqaalaha Caafimaadka Somaliland, gobolka Awdal miyaanu ka mid ahayn gobollada dalka Somaliland? Waxaan leenahay cabashadayada wax hallaga qabto.” Sidaa waxa tidhi mid ka mid ah Hawl-wadeennada Caafimaadka ee Cusbitaalka guud ee Boorama oo shirkaas jaraa’id ka hadashay.

Sidoo kale, Masuuliyiin iyo Shaqaale Caafimaad oo kala duwan, ayaa iyaguna Shirkaas jaraa’id ee ay shalay ku qabteen Cusbitaalka guud ee magaalada Boorama, ayaa iyaguna sidaas oo kale uga hadlay, waxaanay Xukuumadda iyo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland-ba ku eedeeyeen inay dayaceen doorkii ay ku lahaayeen wax-ka-qabashada Caafimaadka gobolka Awdal, taasina ay tahay wax aan loo dul-qaadan karin oo ay masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka oo ay marar badan cabashadooda soo gaadhsiiyeen waxba ka qaban waayeen muddadaa siddeedda bilood ah ee ay cabashadoodu taagnayd oo ay xuseen in xataa Madaxweynaha la gaadhsiiyey.

Inkasta oo aannu marar badan oo xalay ah isku daynay inaannu helno Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) si aannu warkan wax uga weydiinno, ayaanay noo suuragelin inaannu helno, ka dib markii uu Taleefankiisa gacanta naga qaban-waayey. Hase-yeeshee, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo Weriye Cabdifataax Mursal oo Wargeyska Himilo ka tirsani xalay Khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey waxa sababay Maamulka iyo Shaqaalaha Caafimaadka gobolka Awdal iyo Cusbitaalka Boorama oo sheegay inay 8 bilood bilaa mushahar yihiin, ayaa sheegtay inaanay waxba ka jirin inay bilaa mushahar yihiin.

“Way iska hadlayaan ee ma jiro Shaqaale Bilaa Mushahar ah oo Wasaaradda Caafimaadka ka tirsan oo Cusbitaalka guud ee Boorama iyo gobolka Awdal joogaa. Hase-yeeshee, waxaanay qaadan Gunno ay siin jirtay Hay’adda Copy. Ma jirto Hay’ad Mushahar bixisaa, balse waxay Hay’aduhu bixiyaan oo ay Wasaaradda Caafimaadka ka caawiyaan gunnooyin yar oo ay Shaqaalaha Cusbitaallada dalka qaarkood siiyaan ama ay siin jireen. Laakiin, Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ee Awdal iyo Boorama bil kasta way helaan Mushaharkooda.” Sidaa ayay tidhi Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan.

Waxaana Wasiir Ku-xigeen Nimco oo ka jawaabaysay su’aal aannu ka weydiinnay inay Shaqaalaha iyo Maamulka Cusbitaalka Boorama iyo gobolka Awdal inay Wasaaraddu wax ka qabatay baahiyaa Shaqaalaha Cusbitaalka guud ee magaalada Burco oo ay Hay’ado gacanta ku hayey oo gunnayn jiray ka baxeen, isla markaana ay Lacagta dawladda Somaliland, gaar ahaan Wasaarad Caafimaad ahaan ay bixiyeen, balse ay Wasaaraddu ka eexatay Shaqaalaha Caafimaadka Awdal, waxay sheegtay inay Wasaaraddu qorshe cad ku shaqayso.

“Wasaaraddu Qorshe ayay leedahay, qorshahaas ayaana lagu hawlgalaa, Wasaaradaha Somaliland Shaqaalaha ka hawlgalana kala badh ama in ku dhaw ayaa bilaa gunno ah, oo shaqaale gunno wada helaa ma jiraan, sidaa daraaddeed, Mashaariic Caafimaad oo la filayo inay dhawaan ka bilaabmaan dalka, gaar ahaan Awdal way jiraan, qof wax eedaynayaana dhalliil iyo wax uu sheego oo uu Masuul ama Wasaarad u jeediyo ma waayo, Wasaaradduna qorshaha u dejisan ayey mar walba ku shaqaynaysaa, qabyo kasta oo jirta in wax laga qabtana way noo qorshaysan tahay oo Shaqaaluhu gunno helaan, laakiin shaqaale bilaa mushahar ahi ma jiraan ee Allaah hallaga cabsado.” Sidaa ayay tidhi Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan oo ka jawaabaysay su’aasha aan kor ku weydiiyey.

Xigasho Wargeyska Himilo.