Madaxweyne Siilaanyo oo Socdaal ku tegay Boorama oo ay Daruuro Mucaaridnimo & Cabasho hadheeyeen

Boorama(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumaddiisa iyo Xildhibaannada Golayaasha Baarlamaanka ee reer Awdal qaarkood, ayaa maanta safar aan la sii shaacin ku tegay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo uu maanta ku tegay magaalada Boorama, ayaa ku soo beegmay maalmo kacdoonno siyaasadeed iyo cabasho wax-tabasho oo is-daba-joog ahi ka soo yeedhayeen dadweynaha ku dhaqan magaalada gobolka Awdal, gaar ahaan Caasimaddiisa Boorama.

Waxaanu Madaxweynuhu ka qaybgalay Munaasibad loo sameeyey qalin-jebinta Lix boqol iyo dheeraad Arday oo dhammaystay Jaamacadda Cammuud oo ku taalla duleedka magaalada Boorama ee gobolka Awdal, kuwaasoo uu Madaxweynaha Somaliland Shahaadooyin guddoonsiiyey.

Inkasta oo lagu soo dhaweeyey magaalada sida ay Weriyeyaashu ku soo warramayaan Madaxweynaha iyo Weftigiisa, haddana sidii diirranayd ee hore loogu soo dhawayn jiray looma soo dhawaynin, sida ay wararku sheegayaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.