Jaamacadda New Generation oo Arday reer Somaliland ah Xaflad Qalin-jebin ah ugu qabatay Xarunta Midawga Afrika

Addis Ababa(Aftahannews):- Jaamacadda New Generation oo ka hawlgasha wadamada Somaliland iyo Ethiopia ayaa xaflad wada jir ugu qabatay ardaydii ka qalin jabisay xarunta midawga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

121

2122555 333 444

Sidaana waxa sheegay Gudoomiyaha Guud ee Jaamacadda New Generation qaybteeda Somaliland Mr. C/Casiis Alla-Magan. Waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi. “Ugu yaraan 320 arday oo ay ku jiraan in ka badan 60 arday oo reer Somaliland ahi ayaa xafladda qalinjebinta si wada jir ah loogu wada qabtay xarunta Midawga Afrika ee magaalada Addis Ababa”.

Haddaba xafladani qalinjebinta ah ee ka dhacday xarunta Midawga Afrika ee magaalada Addis Ababa oo ay wada jir uga qaybgaleen arday reer Somaliland ah oo wax ku bartay Jaamacadda New Generation ee magaalada Hargeysa iyo xarumaha kale ee ay Jaamacadaasi ku leedahay dalka Ethiopia, waxa kale oo ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socda Somaliland oo ay ku jiraan Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda C/Raxmaan Maxamed C/laahi iyo masuuliyiin kale oo ay ku jiraan xukuumadda, golaha wakiiladda iyo weliba xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.

Xafladani oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa ugu horeyn ka hadlay Madaxweynaha Jaamacadda New Generation Mr. MATIYUS GIJILI. Waxaanu ka hadlay qiimaha  iyo tayada waxbarshada  ay jaamacadu bixiso.

Waxa kale oo uu ka hadlay himilada iyo hiigsiga Jaamacada New Generation oo uu sheegay inay tahay  soo saarida aqoonyahano iyo siyaasiyiinta iyo madaxda  qaarada Africa mustaqbalka hogaamin lahayd.

Waxa kale oo munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, C/Raxmaan Maxamed C/laahi waxaanu ardayda dhamaysatay waxbarashada Jaamacadda New Generation ku booriyay inay  waxbarshadooda  halkaa ka sii wadaan dadaalkooga waxbarasho.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaanu ka waramay xidhiidhka wanaagsan ee u dhaxeeya Somailand iyo Itoobiya, isla markaana uu yahay mid qotodheer oo saaxiibtinimo, iyada oo ay weliba u dheertahay dedaal ay labada hogaamiye ee labada dal ugu jiraan sidii uu u sii xoogaysan lahaa.

Waxa kale oo munaasibadani qalin jebinta Jaamacadda New Generation ka qaybgalay Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Somaliland C/waaxid c.raxmaan  c.qaadir,  agaasimaha guud ee wasarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland faysal cali sheekh  iyo afhayeenka madaxtooyada  somaliland Axmed saleeban dhuxul waxa dhamaan masuuliyiinta  ka warameen  inay xukumada Somaliland horumar baladhan  ka samaysay  dhinica waxbarshada.

Dhanka kale, waxa tilmaameen inay xaflada u soo qaybgaleen inay ka qayb qaatan farxadda qalinjabin ardayda reer somaliland ee ku qalinjabin dalkan itoobiya , waxa masuuliyiin u mahadnaq madaxda iyo masuuliyiinta  farxad ku yaal magaalada Hargeysa ee ka shaqayey inay  qabsoontay  xaflada   qalinjabinta jamacada new generation.

 waxa u dambeeyintii ka hadal munaasibada  qalin jabinta  jaamacada new generation  mulkiilaha  qaybta  Somaliland  C.casiis Maxamed Yusuf isagoo sheegay inay ka shaqaynayaan  isku soo dhawaanshaha  labada dal ee itoobiya iyo Somaliland  ee dhinicyada waxbarshada iyo Siyaasadda.

dhankale tibaaxay in qalinjabinta tahay tii labada ee ardayda waxa ku barta magaalada Hargeysa ay ku qalinjabiniyaa xarunta  midagow afrika loo taliyo

Jaamacadda New Generation ayaa ah Jaamacadda keli ah ee bixisa culuunta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, waana Jaamacadda keli ee markii 2-aad arday ka qalin jebisa oo reer Somaliland ah ugu qabatay xaflad xarunta Midawga Afrika ee Addis Ababa.

Isku duwaha caafimaadka ee Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Jaamac Hadi iyo shaqaalaha caafimaadka oo maanta ka dayriyay xaalada shaqaalaha caafimaadka Gobolka oo mudo sedeed bilood ah wax mishaar ah qaadan,sidaasi darteed ayaa Dr Cabdiramaan uu walaac xoogan ka muujiyay inay goobaha caafimaadku u xidhmaan mishaaro la’aan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.