“Madaxweyne Wasiirradii Xukuumadda Ma Waxaad ka dhigtay Cuqaal Gasha ..?” Suldaan Maxamed Sul: C/Qaadir

Hargeysa(Aftahannews):- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Xuseen Xaaji Cabdillaahi, ayaa Xukuumadda Siilaanyo ku cambaareeyey inaanay Shaqaaqadii Balliga Diiriye Guuleed doorkii loo baahnaa ka qaadan, waxaanay ugu baaqeen inay labada Beelood si caddaalad ah oo dhex-dhexaad ah arrimahooda u dhammeeyaan.

SULDAANKA GUUD SULDAAN MAXAMED IYO MADAXWEYNE SIILAANYO

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo uu weliyo Suldaan Xuseen, ayaa waxay sidaa ku sheegeen Shir Jaraa’id oo ay caawa ku wada qabteen magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somailland, waxaanu intaas ku dareen in deegaanka la isku hayo ay ka wayn tahay Walaaltinnimadu, isla markaana si nabad ah ay u dhammaystaan wixii dhex-yaalla.

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sheegay in deegaanka Baliga Diiriye Guuleed ay iska leeyihiin beesha Cabdalle Arrab, isla markaana ay deganayeen Laba ilaa Saddex qarni ka hor, waxaanu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Shaqaaqadii ka dhacday Deegaanka baliga Diiriye Guuleed iyo Muranka labada Beelood, waxaanu sheeciyey inaanay meeshaas ku habboonayn Waftigii loo diray, waxaanu sheegay inaan deegaankaas wax garnaqsi ah laga galayn ee ay tahay Deegaan ay iska leeyihiin Beesha Cabdalle Arab.

Suldaanka guud oo arrimahaas ka hadlaayaa waxa uu yidhi; “Arrinta shaqaaqada ka taagan Burco waxaan leeyahay maaha mid wadadii ku dhacday, balse waxaan leeyahay Madaxweynaha Su’aal ha iga ahaatee Wasiirradii Xukuumadda ma waxaad ka dhigtay Cuqaal? Arrinka meesha yaallayna waxa uu ahaa arrin dhaqan oo Cuqaal iyo Suldaan ayuun-baa lahaa, markaa Madaxweyne Salaaddiintii Somaliland mid-bay kaaga cabanaysaa oo ah inaad arrimihii dhaqanka ay noo waydaarteen Wasiirradaadii, waxaanu leeyahay arrimaha dhaqanka haloo daayo Salaadiinta reer Somaliland, iyagaa wax ka qabanaayee. labada beelood ee meesha isku haya waxa dhex-dhexaadin kara Salaadiinta iyo Cuqaasha reer Somaliland, shaqsiyanna Suldaan Maxamed ahaan waan kaaga cabanayaa. Ciidanka qaranka waxa loo samaystay nabadgelyo, hadii ay intaas in leeg ku darsadaanna waxa waajib ah in Xukuumaddu ka qabato, Ciidanka qarankuna inuu noqdo mid reeraysan waa mid subxaanalle.”

Suldaan Maxamed waxa uu intaas ku daray; “Dadka deegaanka Cabdalle arrab waxay fariin ahaan nagu soo gaadh-siiyeen inaanay Ciidankii qaran ee la dhex dhigay aanay waajibkoodii gudan. Xukuumadda cid-baa Amniga u qaabilsan oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Cuqaasha iyo Salaadiintu Wasiirka arrimaha gudaha ayey hoos yimaadaan, wasiirrada kale ee meesha ordayaa qaar baan garanayn deegaankaba, ma-tallan Wasiirka Boosaha deegaankiisiiba maaha, arrin Somaliland ah wuu ka hadli karaa, laakiin markay arrintu deegaan ku salaysan tahay. Halka uu Suldaan Cumar Suldaan Maxamed ka yidhi Toddobaatan sanadood ka hor, waxaan leeyahay way ka horaysay oo laba Saddex qarni ka hor Beesha Cabdalle Arrab way deganayd, meeshuna ayey Kalshaalle oo kale innaga noqonin. Caaqilkii ugu weynaa Cuqaasha reer Burco ee Faarax Suusle hadii ay dadkiisii cidi ka nooshahay inkastoo nolol ku oggaa Maxamed Faarax Suusle hala way diiyo. Magaalada Burco waa la garanayaa dadkii 1991-kii soo galay ilaa Koontaroonka looga soo baxo dhinaca Berbera annagaa dadka dejinay Madaxweyne, oo jagooyinka siinaynay markii Burco la joogay ee dalka la soo galay wixii intaas ka horeeyey deegaan-bay ahayn, laakiin markii Kaantaroolkaas iyo kii Bari is qabsadeen ayuu Marunkani dhashay. Odayaashii iyo Madax-dhaqmeedkii reer Burco way joogaan waxaanu eegaynaa inay Cadaalad ku dhex galaan labada Beelood, laakiin in laga garnaqsado meesha ma taalo, wax garnaqsi oo meeshan yaallaa ma jiro Laba iyo Saddex qarniba meeshan Cabdalle Arab ayaa degannaa intaas-na cid isku qabatay iyo cid ku wada-hashay maanu maqal. Dalkeena nimcaa fadhidadiibaa qofkastaab halkii uu arkaba lihi iska odhanayaa wallee kama kaco. Xukuumadduba Wasiirka arrimaha gudaha iyo cidii kale uu garab iyo gaashaan uga baahan yahay isagaa ku darsane ha u dayso.”

Dhinaca kale, Suldaan Xaaji Cabdillaahi ayaa waxa uu Xukuumadda u soo jeediyey inay Xaal ka bixiso Talaabadii ay Ciidanku ku weerareen Shacabka muwaadiniinta ah, waxaanu yidhi “Meel taariikhdeedu fac-weyn tahay oo Qarniyo la degganaa in maanta la yidhaaho halagu garnaqsado, waxaanu u arkaa inay sharaf dhac ku tahay Qaranka Somaliland, aad ayaan uga xumahay in meel 1955-kii deegaan ahayd la, hantiduna waa wax qarsoon iyo mid muuqata, Hantida qarsoon ayaa la is odhan karaa soo cadayso, laakiin hantida muuqata in laga garnaqsadaa dhibaatadeeda ayey leedahay. Xukuumaddu inay iyadoo Dhaqaalihii iyo Dirayskiiba isticmaalaysa inay cid u adeegsato oo bartilmaameed ka dhigato waa arrin fool-xun, waxaanan leeyahay Xukuumadda milgihii aad ku lahaydeen kamaydaan soo bixin. Madaxweynaha Somaliland waa odaygii Ummadda oo sharaf ayuu iga mudan yahay, laakiin waxa habboon inuu iska ilaaliyo waxyaabaha qaranka kala fogaynaya, arrinta halkaas ka dhacday-na waxay ahayd inay Salaadiinta iyo Cuqaashu galaan. Wasiirkii Boosaha ee yidhi dhulka Dawladdaa leh waxaan leeyahay Addeer adigu dawladda waad u soo shaqo tagtee Ragii seeska u dhigay ee abuuray weeye, wax weliba sees ayey leeyihiin Beeshani iyadoo dalkani bilaa dawlad yahay oo reer weliba Hubkiisa haysto ayey Hubkoodii Miiska soo saareen oo ay yidhaahdeen aynu Qaran dhisano, markaa wixii ay xoogoodii iyo naftoodiiba u hureen in loo adeegsado maaha, milgahaasna kumaanu lahayn. Cabdalle arrab waa Niman Arab waana Shaashka Libaaxa ku yaalla, hadii wanaag la doonayo ha laga Xaal-mariyo.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.