“Madaxweyne ha ku Ceeboobin arrintaa iibka Wershadda Laydhka Hargeysa ..” Iid Jiciir Aw Axmed

Hargeysa(Aftahannews):- Iid Jiciir Aw Muxumed oo ka mid ah Siyaasiyiinta Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka, ayaa ka digay iibinta Wershadda Laydhka (Korontada) dawladda ee magaalada Hargeysa, taasoo uu sheegay in Ganacsadayaal waaweyn oo reer Somaliland ah oo ka soo jeeda Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed-Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan-Saylici.

IID JICIIR AW AXMED AFTAHANNEWS

Waxa uu Iid Jiciir sidaa ku sheegay mar uu caawa Warbaahinta qaarkeed ugu warramay magaalada Hargeysa, waxaanu Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ugu baaqay inay ka xishoodaan wixii Madaxweyneyaashii ka horreeyey ka xishoodeen. “Aniga oo ah Iid Jiciir Aw Axmed oo ka tirsan madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka, waxaan ka hadlayaa arrin dhibaato ah oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dadka,dalkaba iyo hantida dalka ku hayso. Sidaad wada og tihiin beryahan danbe dantii guud ee ay umaddu wada lahayd, ee ay umaddu ku manafacaadsanaysay, waxa lagu hayaa boob baddan oo bahalnimo ah oo aan lookala aabo yeelayn.” Sidaa ayuu yidhi Iid Jiciir.

Waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi; “Arrinta aan doonayo inaan dadka u iftiimiyo waxa weeyaan, gaar ahaan shacabka reer Hargeysa Wershadii laydhka ee ahayd halbowlaha ahayd ee ay weligeed ay dawladdu gacanta ku haysay, ayaa waxa kala goostay labada Reer oo ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxaana la siiyay Shirkadda Dahabshiil iyo niman la yidhaahdo Reer Xaamud Jibriil, oo uu waddo Madaxweyne ku-xigeenku, kuwaas oo laga dhigayo Shirkad iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo xagga danbe lagaga ladhay oo aan filayo arrimihii dib-u-heshiisiinta ee dawladda iyo Muuse Biixi, ayaa lagu xaal-mariyay.”

“Haddii aannu nahay reer Axmed-Dhagax wax badan ayaannu tirsanaynay waxaan leeyahay Wershadda Laydhka lama iibin karo cid gaarana lama siin karo,Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo markii ay u hadhay wax ka yar sanad haddii ay bilowday boobka hantida umadda sida Wershadan Laydhka ma aqbali doono, oo ma yeeli doono, isla markaana u dulqaadan mayno. Dadka reer Axmed-Dhagax iyo dadka reer Hargeysa-ba waxaan leeyahay arrinta digtooni weyn u qaba, yaan la idinku dul iibsanin Wershadaa laydhka, oo yaan cid la idinku dul siinin.” Sidaa ayuu yidhi Iid Jiciir.

Mujaahid Iid Jiciir Aw Muxumed mar uu la hadlayay Madaxweynaha Somaliland, waxa uu ugu baaqay inaanu ku ceeboobin, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi; “Madaxweyne ha ku ceeboobin arrintaa Wershada laydhka xitaa Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka xishooday,waxa ku horyaala inaad Wershada laydhka u saxeexdidi Shirkadda Dahabshiil iyo reer Xaamud Jibriil ee lagu leeyahay saxeex Madaxweyne waa inaanad saxeexin.haddii ay arrintaasi dhacdo waxay keeni doonta fool-xumo weyn. Boobkii la boobayey dhulka iyo arrimahan imika la wado waa wax aan munaasib ahayn, oo ah wax aan la isku quudhin.”

“Nimanka ganacsatada ee uu ku jiro Dahabshiil waxaan leeyahay horeba lacagta waad u haysatay isaga oo aan Madaxweyne Siilaanyo joogin lacagtaadu yaanay umadda fidmo-gelinin, waxaan leeyahay Shirkada Laydhka faraha kala bax, Ganacsade Maxamed Aw Siciidna waxaan leeyahay faraha kala bax, qolada kale ee la leeyahay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland ayaa wataa, annagu garan-mayno.” ayuu yidhi Iid Jiciir.

“Ganacsade Maxamed Aw Siciid waxaan leeyahay ishiinka aad meesha keentay (Xarunta Wershada Laydhka) ka qaado ayaan ku leeyahay, oo yaanu fidmo umadda gelinin wershada waxa iska leh.Wakaalada Biyaha lama iibin karo, Wakaalada laydhka lama iibin karo, laydhka iyo Biyuhu waxay ku jiraan waxyaabaha daruuriga ah ee aan la iibin Karin.Haddii ay qoladani lacag sidato waa in Wershad kale la soo kordhiyaa, waayo dalku waxa uu u baahan yahay wershado kale ee meel kale ka furta, haddii aanu nahay dhalinyarada, odayaasha iyo waxgaradka Xaafad Axmed Dhagax arrintaas waanu ka digaynaa.”

Mar la weydiiyey Iid Jiciir Aw Muxumed waxa uu ku caddeynayo waxyaabaha ka jira in Wershadii laydhka Magaalada Hargeysa lagu wareejinayo Shirkadda Dahabshiil iyo Ganacsato kale, waxa uu ku jawaabay “Waa arrin cad oo xaqiiqo ah, waxaad la xidhiidhi kartaa dadka ka shaqeeya Wershada laydhka oo aad waydiin kartaa. Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa arrintaa loo xil-saaray waxaana Wershadii laydhka lagu soo qiimeeyay 4 Million oo Dollar, dhulkaba meesha ayaaba ah 10 Million oo Dollar oo aanay ciddi goyn Karin, arrintaasi waa arrin aanu muddo daba soconay oo aanu soo baadhnay, waxa nagu maqaalo ah inaanu weli madaxweynuhu saxeexin, Doraad waxa xarunta Wershada laydhka la keenay laba Ishiin oo uu siday gaadhi ay ku taalo SOMCABLE,arrinta inaan xaqiijiyo oo aan daba-galo ayaan soo baadhay, arrintaasina waa arrin xaqiiqo ah, haddii wax xaqiiqo ahna loo baahdo waanu caddeynaynaa.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.