Maxkamadda Ciidanka Somaliland oo Toogasho ku Xukuntay Askari Dil Fool-xun geystay

Hargeysa(Aftaannews):- Maxkamadda Ciidanka Qaranka Somaliland (Millateriga), ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Askari ka tirsanaa Naafada Ciidanka, kaasoo dilay Wiil uu Adeer u yahay 18-ka Bishii May ee sannadkan 2014-ka, sida lagu caddeeyey qoraalka Xukunka Maxkamadda oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanku.

War-Saxaafadeed Maxkamadda Ciidanka ka soo baxay oo uu ku saxeexanaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidanka Millateriga Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Xasan Faarax, ayaa lagu sheegay Xukunka lagu riday ninkaasoo la sheegay inuu ku eedaysnaa qodobbo ka mid ah Xeerka Ciqaabta guud iyo qodobbo Xeerka Ciidanka mid ah.

Qoraalka War-Saxaafadeedka Xambaarsan Qaraarka Maxkamadda Sare ee Ciidanka ka soo baxday maanta oo Sabti ahayd oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, ayaa waxa uu u qornaa sidan hoos ku xusan:-

“Maxakamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay soo saartay Xukun maanta oo ay Taariikhdu tahay August-16-2014, Waxayna ku xukuntay  Dil toogasho ah Racfaanle, Gacan ku dhiigle Dacar Cali Ibraahin oo ka tirsanaa Naafadda Ciidanka Qaranka Somaliland, kaasi oo dilay 18-kii Bishii 5-aad 2014(18-5-2014) Marxuum shicib ah Cabdirisaaq Maxamuud Axmed, ina Caasha Cali oo 25 jir ah, kaasi oo uu Adeer u ahaa.”

Ninkan ay Maxkamadda Ciidanku dilka ku xukuntay oo ka trisan Naafada Ciidanka, ayaa Wiilka uu dilka u geystay u ahaa Adeer ay Carruurtiisa Walaalo Hooyo yihiin, kaasoo qabay Hooyada dhashay Allaah ha u naxariistee Wiilkaas uu dilay, oo uu dilka u geystay Subax loo dabbaal-degayey 23-guuradii ka soo wareegtay gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May 2014-ka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.