Nuxurka War-Murtiyeed ka soo baxay Shir aan caadi ahayn oo Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya yeesheen

Muqdisho(Aftahannews):- Shir gaar ah oo ay Maanta oo Sabti ahayd ay Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayay gebo-gabadii ka soo saareen War-Murtiyeed xambaarsan qodobbo kala duwan, waxaana Shirkaas ka qaybgalay Raysal-wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiwali Sheekh Axmed.

KULANKA MADAXDA IYO WASIIRRADA FEDERAALKA SOMALIA MADAXWEYNAHA, RAYSAL, WASAARAHA IYO WASIIRRADA SOOMAALIYA RAYSAL-WASAARAHA, KU-XIGEENKIISA IYO WASIIR RAYSAL-WASAARAHA, MADAXWEYNAHA IYO WASIIRRADA SOOMAALIYA

Shirkan aan caadiga ahayn ee ay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya yeesheen, ayaa lagaga dooday, isla markaana lagaga arrinsaday arrimo kala duwan oo qaarkood xasaasi yihiin, isla markaana waxa digniin loogu diray Warbaahinta Madaxa-bannaan ee ka hawlgasha magaalada Muqdisho iyo gobollada iyo degmooyinka kale ee waddanka Soomaaliya.

Nuxurka iyo Qodobbada War-Murtiyeedkaas laga soo saaray gebo-gabada Shirka Golaha Wasiirrada iyo Madaxda dawladdu maanta ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Muqdisho, ayaa Nuqul ka mid ah oo Aftahannews helay waxa uu u qornaa sidan:-

“WAR-MURTIYEED: Xukuumadda Soomaaliya waxay u gubinaysaa ummadda Soomaaliyeed farriin ku aaddan amniga dalka iyo hawlgallada lagu sugayo amniga guud ee dalka, waxaana ka mid ah:

1. Ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu war-gelinayaa in hawlgaladii amniga ee ka dhacay Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayo amniga guud ee dadweynaha iyo dalka ee aan marnaba loola jeedin cid gaar ah. Waxayna xukuumaddu ka xun tahay wixii waxyeello ah ee soo gaaray dad shacab ah ee ku sugnaa goobaha ay hawlgalladaasu ka socdaan mana ahan wax iyaga loogu talo-galay, waxaynu dowalddu ka tacsiyeeynaysaa dadkii dhibaatadu kasoo gaartay howl-galladaas.

2. Xukuumaddu waxay amaanaysaa soona dhaweynaysaa hay’adaha Amniga Qaranka hawlgaladii ay fuliyeen iyagoo sugaya amniga dadweynaha.

3. Waxaa xusid mudan in hawlgallada lagu sugayo amniga ummadda lasii wadi doono, iyadoo marnaba aan lagu xad-gudbaynin xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha.

4. Sida sharcigu qabo, hay’adaha Amniga iyo ciidamada qalabka-sida ama ciddii ruqsad loo siiyo oo keliya ayaa xaq u leh haysashada hub.

5. Waxaa la mamnuucay: (b) Ka-ganacsiga hubka nooc kasta oo uu yahay; (t) Haysashada ciidan abaabulan oo ka baxsan ciidamada qalab-sida iyo AMISOM. (j) In waddooyinka lala maro hub aan sharciyeysnayn.

6. Waxaa lagu war-gelinayaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed in ciddii haysata hub-sharci-darro ah ay kusoo wareejiso gacanta hay’adda Amniga (Wasaaradda Amniga Qaranka) ama ay si sharciga waafaqsan uga diiwaan-geliso hay’adaha Amniga Qaranka.

7. Ciddii ka hortimaadda ciidamada amniga, marka ay ku jiraan howlgallada amni-sugidda ah ee ay u xil-saaran yihiin, waxay ku xad-gudubtay sharciga dalka, waxaa lala tiigsanayaa sharaciga dalka u yaalla.

8. Xukuumaddu waxay ku adkeynaysaa hay’adaha Amniga in ay mar kasta dhawraan xuquuqda aadanaha, sarreynta iyo talinta sharciga (Respect to the supremacy of law and the rule of law).

9. Warbaahinta madaxa-bannaan waxaa lagu wargelinayaa inay dhawraan sharciga oo aysan marnaba ku xad-gudbin. Waxaa warbaahinta lagu adkaynayaa inaysan ku kicin falal iyo warbaahin iska-horkeenka bulshadda, kicinta colaadaha, been-abuurka aan salka lahayn IWM. Waxaana xasuusinaynaa in falalkaas ay yihiin dambiyo cad-cad. Warbaahintii ku dhaqanta arrimaha xad-gudubka ah ee sare ku xusan, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan;

10. Xukuumaddu waxay mar kasta dhawraysaa gacan-sarreynta sharciga, talinta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha, waxayna xushmaynta xoriyadda saxaafadda.

11. Golohu wuxuu u xil-saaray wasaaradda warfaafinta iyo wasaaradda Amniga Qaranka inay sida ugu dhaqsaha badan u soo saaraan siyaasad cad oo qeexaysa qorshe lagu tayeynayo laguna xirfadaynayo warbaahinta madaxa-bannaan.

12. Xukuumaddu waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in la abuuray khad (telefoon) gaar ah oo ciddii qabta tabasho, wargelin iyo talo-bixin ay kala soo xiriiri karto hay’adaha Amniga sida wasaaradda Amniga Qaranka, dhawaan khadkaas lagu soo bandhigi doonaa.

13. Xukuumaddu waxay shacabka Soomaaliyeed u ballan-qaadaysaa inay xoojinayso amniga si waafaqsan shuruucda dalka, si muwaadinku u helo xasilooni iyo ammaan.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.