Soltelco iyo Xaglo-toosiye oo iska difaacay eedaymo loogu jeediyey Wajahadda Wasaaradda Caafimaadka

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo Maayerka Caasimadda Hargeysa, ayaa markii ugu horreysay maanta si wada-jir ah uga hadlay waxa laga dhigayo iyo ujeeddada laga leeyahay Dhulka Wajahadda Wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Hargeysa oo dhawaan dawladda hoose ka rartay dan-yar ku ganacsan jirtay, isla markaana seesas ka jeexday oo lagu eedeeyey inay iibsadeen, balse ay maanta ku doodeen in dhulkaas laga dhigayo Beer Cagaaran.

Goobta oo ay maanta dad cabanaya oo ka mid ah dadkii danyarta ahaa ee ku ganacsan jiray ay yimaaddeen, ayey Maayerka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) kula hadleen Warbaahinta.

Warkaas oo Faahfaahsan, waxay ka yidhaahdeen eedaha loo jeediyey iyo jawaabaha ay ka bixiyeen Su’aalo Weriyeyaashu weydiiyeen-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.