Xukuumadda oo ka hadashay dagaal ka dhacay Balliga Diirye Guuleed & Xildhibaan ku edeeyey Masuuliyadda

“Culaysna aniga Xukuumaddu ima saarin..Badhasaabkii iga horreeyey Waraaq buu saxeexay, beeninteedaa igu adkaatay markii ay I horkeeneen….Waxaana ka dambeeyey go’aanka Wasiirrada..” Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye: Waraysi Gaar Ah

Xildhibaan Xukuumadda ku eedeeyey Masuuliyadda Dagaalka ka dhacay Waqooyiga Burco

“Nin dhaawac ah oo dhalinyaradaa Beesha ka mid ah illaa hadda Cusbitaal lama geynin ee Xero Millateri ayaa lagu haystaa waana la diiday…” Xildhibaan Jaamac-Riyo: Waraysi Gaar Ah

Burco(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Balliga Diirye Guuleed oo 18MT dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, dagaalkaas oo mid ka mid ah laba Beelood ee deegaankaas ku muransani ku qaadday Ciidan ka tirsasn Ciidanka Qaranka Somaliland oo kala dhex-fadhiyey labada Beelood, kaasoo ay laba Sarkaal iyo nin beesha dagaalka qaadday (Cabdalla Arab) ka tirsani ku dhaawacmeen.

BALLIGA DIIRYE GUULEED

Dagaalka ayaa dhacay gelinkii hore ee Jimcihii shalay ka dib markii ay halkaas tageen Ciidammo Boolis ah iyo Badhasaabka gobolka Togdheer, si loo baabbi’iyo dhismayaal ka soo hadhay hawlgal toddobaadkii hore lagu aasay Barkado qodistoodu ka socotay deegaankaas, markii ay Guddi Wasiirro ah oo Xukuumaddu u dirtay deegaankaas ka soo saareen go’aanno dhigaya inaan halkaas la magaalayn karin ee ay ahaato dhul-daaqsimeed ka dib. Waxaanay dhalinyarada Hubaysan ee Weerarka ku qaaday Ciidanka iyo Masuuliyiintaas la sheegay inay ka gedoodeen Aasitaanka Balliga oo muddo dheer ka hor la qoday iyo duminta Dergado halkaas ka dhisnaa.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye oo Xalay Khadka Taleefanka ugu warramay Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo, ayaa xaqiijiyey in dagaalkaas ay ku dhaawacmeen Abbaanduulihii Ciidanka Qaranka ee gobolka Togdheer iyo Taliyihii Ciidanka Booliska dawladda Hoose ee magaalada Burco iyo nin ka tirsan Malleeshiyada dagaalka ku qaadday Ciidanka sida uu Badhasaabku noo sheegay.

“Annaga oo ka hor-tegayna in meeshaas waxaannaan ogeyni ka dhacaan, ayaannu saaka (shalay gelinkii hore) aannu tegnay annaga oo fulinayna go’aankii Wasiirrada, markaannu sidaa u istaagnay ayay nagu bilaabantay Rasaastu kolkiiba Gaadhigayga ayay ku dhacday Rasaastu oo ay dhinaca kaga taallaa, waxoogaa bay socotay Rasaastaasi, aakhirkii way is-taagtay, siday wax u dheceen iyo khasaaraha ka dhashay-na aad bay u kala durug-san yihiin, waayo? Intan in le’eg (meel aad isugu dhaw) ayaa Ciidan-beeleedku Xabbadda nagaga bilaabay oo la iskaga riday Rasaasta, sida wax u dheceen marka loo eego Khasaare kooban baa ka dhashay, waa khasaare sahlan. Markaa, saddex nin baa dhaawacmay oo laba Ciidanka yihiin.” Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo Khadka Taleefanka ugu warramay xalay Wargeyska Himilo.

Waxaanu Guddoomiyaha gobolka Togdheer xubnaha Ciidanka ee dhaawacmay Ciidanka ay ka tirsanaayeen, waxa uu yidhi; “Maya, ee waa Ciidanka Millateriga, oo Booliskii baa kala biiq-biiqay oo Ciidanka Millateriga ayaannu geynay, waxaannu Ciidanka u geynayna waxay ahayd laba Beelood baa is-hor-fadhiyey inaanay beelahaas dhibaato halkaas ku dhex-marin oo aan wax ka dhicin inta go’aan la gaadhayo. Markaa, kolkii ay Wasiirradu yimaaddeen, ayaa la isla qaatay in Ciidan-beeleedyo meesha laga qaado, dharaartii dambe ayaannu soo kormeernay oo aannu ogaannay in Ciidankaas la kala qaaday oo aanay cidi is-hor-fadhin oo ay aqbaleen qorshahaas, haddana ka dib ayuun baannu maqalnay Ciidan baa dul-fadhiya Ciidankii Qaranka.”

“Dharaartii hore hawsha ayaa yar kala hadhay oo waxaannu aasnay laba Barkadood, Barkado maaha ee laba Xorfadood oo meesha (Balliga Diirye Guuleed) laga qodayey, Saaka (Shalay Subax) Dargad yar iyo Waab baannu doonaynay inaannu ka soo duminno oo meesha Magaalaynta ayaannu u diiddanayn, dee waddadii la marayey ee Tuulooyinkaas oo dhan loo marayey ayay ahayd oo meel Malleeshiyaad fadhiisan karo may ahayn, Ciidankuna in waddadaasi furnaato ayay halkaas u joogeen.” Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Togdheer.

Waxaanu intaas ku sii daray; “Markaa, isku soo ururiyoo, Nin Sarkaal ah oo Ambaanduulihii Ciidanka Millateriga ee gobolka ah (gobolka Togdheer) iyo Taliyihii Ciidanka dawladda Hoose ee Burco, ayaa dhaawacyo soo gaadheen iyo nin Malleeshiyada ka tirsanaa oo isaguna Lug ka dhaawacmay, ninna waa la qabtay, wax dhibaato ah oo kale ma dhicin, haba-yaraatee wax dhimasho ahina ma jiraan, dhaawacyadaasina waa sahlan yahay, Kooxdaas weerarka soo qaadayna way iska kala yaaceen, hawshiina waannu fulinnay, wax kale oo dhibaato ahina ma jiraan.”

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye, oo aannu weydiinnay tallaabada ay qaadeen markay waxaasi dhaceen ka dib iyo waxa u qorshaysan, waxa uu ku jawaabay; “Maya wax tallaabo ah oo kale maannaan qaadin, yaannu tallaabo ku qaadi Nimkiina (kooxda hubaysan) way iska kala yaaceen, markaa si aan Ciidanka mar kale waxan oo kale ugu dhicin waannu ka raraynaa Berri (Sabtida Maanta), waayo? Ciidan Boqol iyo dheeraad Askari ah ayaa jooga, markaa illaa 20-neeyo Askari oo aannu isleenahay wax ha ogaadaan ayaannu ku reebaynaa ee inta badan waannu ka soo raraynaa.”

Maxamed Muuse Diirye oo aannu sii weydiinnay su’aal ahayd haddii Ciidanka meesha laga raro labada Beelood-na hubkooda haystaan, go’aanka Wasiirradu soo saareen-na dhinac ka mid ah labada dhinac ku gacan-saydhay, suuragal-na ay tahay inay dagaal iskaga hor-yimaaddaan iyo inay 20 Askari marka lagaga tego ay ku dhex-dhiman karaan hadday iska hor-yimaaddaan, maaddaama oo dhinac shalayba u badheedhay inay Boqol iyo dheeraad Askari weeraraan sida ay ku aammini karaan nabadgelyada halkaas, ayaa yidhi; “Maya, Maya! Markii hore labada Dhinac-ba Ciidan-Beeloodyada waa la kala qaaday oo ciidan meesha fadhiyey ma jirin ee markii ay Wasiirradu go’aanka soo saareen ayuun bay qoladani gadaal wax ka gocdeen, ee ma filayno in rabshad dambe meeshaas ka dhacdo ee in la isu yimaaddo oo la is-fahmo ayaannu ku dedaalaynaa.”

Guddoomiyaha Togdheer oo ka jawaabayey su’aal aan ka weydiinnay halka dhaawacyada la geeyey, waxa uu yidhi; “Dhaawacyada anigaa soo wada-qaaday oo Cusbitaalka Burco ayaan keenay, Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka ee gobolka oo isagu ay halka Xagasha ee Gacanta ay Xabbadu kaga dhacday oo la yidhi in Bir la geliyo mooyee ku kabmi mayso si kale, ayaannu dhinacaa Hargeysa u soo dirnay galabta (shalay gelinkii dambe).”

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye oo aannu weydiinnay in Beesha Cabdalla Arab ay ku doodayaan in Madaxweyneyaashii Madaxweynaha hadda ka horreeyey, Badhasaabyo gobolka Togdheer soo maray iyo Maayer-ro Burco isaga dambeeyey-ba ay Saxeexeen oo ay aqbaleen in Deegaanka Balliga Diirye Guuleed ee Waqooyiga Burco la magaaleeyo oo Barkado iyo Dhismayaal-ba laga hirgeliyey, isla markaana Maxamed ahaan laftiisu uu markii hore aqbalay.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Togdheer waxa uu ku jawaabay; “Madaxweynayaal may saxeexan wax, Madaxweynayaashu waxay soo saareen inaan la deegaamaynin dhulka Daaqa oo aan Deegaanno cusub aan laga samaynin, hadday Siilaanyo tahay, hadday Rayaale tahay iyo hadday Cigaal tahayba Wareegtooyin dhigaya inaan dhul-daaqsimeedka la deegaamayn ayay soo saareen. Badhasaab aniga gobolkan Togdheer iiga horreeyey, ayay yidhaahdeen Warqad buu na siiyey. Laakiin, Gartaas iyo Dacwadeheeda iyo Dhukumentiga ay haystaan-ba waxa galay Guddi Wasiirro ah oo Hargeysa laga soo diray ayaa galay oo go’aankan gaadhay.”

Maxamed Muuse Diirye oo aannu sii weydiinnay in Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac-Riyo) oo Guurtida ka tirsan deegaankaasna u dhashay uu sheegay in markii Sharciga ay tuseen Guddoomiyaha Togdheer uu aqbalay oo uu ku qancay Saxeexyadaa hore, balse markii dambe ay Xukuumaddu cadaadis-saartay oo uu ka noqday iyo waxa ka jira inuu sharciyaddaas arkay, waxa uu ku jawaabay; “Culaysna aniga Xukuumaddu i ima saarin, hase-yeeshee anigu Badhasaab baan ahay, Badhasaabkii iga horreeyey Waraaq buu saxeexay, beeninteedaa igu adkaatay markii ay I horkeeneen mooyaane dhib kale ma jiro, dabadeedna aniguna waxaan ku idhi; ‘Waar bal waxan is-qabadsiiya Digreetooyin-na way jiraan, Badhasaab bixiyey Warqaddan xilligaas-na wuu jiraaye,’. Dabadeedna, Wasiirradii baa go’aan gaadhay, Badhasaabka-na Wasiirkaa ka sarreeya Taytal ahaan. Markaa, go’aan Wasiirro ayaa burinaya wixii Badhasaab iyo Maayer bixiyeen-ba, oo Golaha Wasiirradu go’aanka ay gaadhaan wuu ka sarreeyaa Golo Deegaan iyo Badhasaab Gobol-ba. Madaxweyne Tuulo saxeexaana ma jiro, tusaale ahaan, haddaan idhaahdo; ‘Arabsiyo iyo Hargeysa dhex-dooda Tuulaan ka samaysanayaa ma Madaxweyne ayaa Digreeto ama Warqad iisiinaya, jawaabtu waa maya.”

Mar uu ka jawaabayey sida uu u arko inay xaaladda deegaankaas lagu muransan yahay ee dagaalku ka dhacay ku dambayn doonto, maaddaama oo ay qolada dagaalka qaadday shalay ay ku doodayaan in Sharciyaddii ay haysteen la laalay, isla markaana ay Xukuumaddu cid gaar ah ugu danaynaysay go’aankaas oo aanay aqbalaynin iyo waxa Maamul-gobol ahaan uga meel yaalla, waxa uu yidhi; “Horta, Gari laba nin kama wada qosliso ayay Soomaalidu tidhaahdaa, haddii go’aan la soo saaranaya kollay labada dhinac ee go’aanka waxay isku hayaan laga soo saaray ma wada raalli-geliso, haddii Gar la qaado oo ama hallagaa aftahannimo bato, ama hallaagaa eexdo ama Dhukumenti iyo Saxeexyo lagaaga helo ee Garta waa lagaa heli karaa, dhinacyaduna markii hore way ku qanceen inkasta oo Odayaasha qaar hadleen, hadalkiina ay Xaal ka bixiyeen, immikana in waxaas la go’aamiyey lagu wada qanco ayuun baa muhiim ah. Laakiin, dadkeenna ayaa dhaqan isaga leh kelmadda ah waa la iga eexday.”

Waxaanu gebo-gabadii Waraysigan Maxamed Muuse Diirye soo jeediyey in la dhawro oo ay Shacabku ilaaliyaan, isla markaana la shaqeeyaan Ciidammada kala duwan ee qalabka sida, balse ay iska dhawraan inay iyagu dhibaateeyaan Ciidanka oo ay ku duulaan Shacabku Ciidanka, maaddaama oo ay Ciidanku yihiin Astaanta nabadgelyada iyo Astaanta dawladnimada iyo Qarannimada Somaliland, wakhtigan-na la joogo wakhti ay in beelo la isku laayo Somaliland ka soo gudubtay.

Geesta kale, Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac-Riyo) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ee deegaanka Balliga Diirye Guuleed ee dagaalku ka dhacay shalay u dhashay, ayaa isagoo ku sugan magaalada Hargeysa Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey waxa uu kala socda xaaladda Deegaankaas, maaddaama oo ay Beesha uu ka soo jeedaa Ciidanka Qaranka ee Beesha ay halkaas ku muransan yihiin ku kala dhex-jiray, ayaa sheegay in sababta dagaalka keentay ay Xukuumadda talada haysaa, gaar ahaan Maamulka gobolku uu ka dambeeyey, masuuliyadda waxa dhacayna ay iyagu leeyihiin.

Waxaanu Xildhibaan Jaamac-Riyo oo arrimahaa ka hadlayaa uu yidhi; “Balliga Diirye Guuleed waxa la qoday 1954-kii oo ay Beesha Cabdalla Arab deegaan ku ahayd halkaas, go’aanka Wasiirrada Xukuumaddu soo saareen-na waa mid xaaraan ah oo cid gaar ah loogu danaynayo, oo Beesha ka midka ah Beelaha uu Madaxweyne Siilaanyo ka soo jeedo loogu deegamaynayo halkaas sida Yuhuudda loogu deegaameeyey Falastiin oo kale, mana aqbalayno. Waxan maanta (shalay) dhacayna waxa masuul ka ah Xukuumadda iyo Maamulka gobolka.”

“Sababta oo ah ninka dhulkii uu Sharciga u haystay ee uu konton sano ka hor deegaanka ku ahaa la leeyahay ma dhisan kartid oo Barkad kama qodan kartid ee maalintii ay Wasiirradu joogeen la la aasay Barkadihii qodistoodu socotay, ee inta maanta (shalay) lagu soo noqday oo Cagafyo iyo Ciidammo loo soo kaxaystay Balliga 1954-kii la qoday aasitaan lagu bilaabay inta cagaf la geliyey, ee Dargadihii iyo Buulashii meesha uga dhisnaa dab la geliyey dee adeer wuu gadoodayaa, weerar cidi qaaddayna ma jiro ee 16 Wiil oo dhalinyaro ah oo ka gedooday sida dhib-yaraanta loogu aasayo Balligii ay ka Awoow-ka-awoow ku garaadsadeen ee dhismayaashii iyo Aqalla-Soomaaliyadoodii dabka loogu qabtay, markaa waxa meesha ka dhacay Xukuumadda Siilaanyo, Maamulka gobolka iyo Maamulka Degmada Burco ayaa masuul ka ah, waxaanannu u aragnaa in meesha Beel degganayd-na laga qaadayo, Beel dhul loo raadinayana lagu deegaamaynayo.”

Xildhibaan Jaamac-Riyo, waxa uu Ciidanka iyo Maamulka gobolka Togdheer ku eedeeyey inaan ninka dhaawaca ah ee Beeshiisa laga qabtay illaa hadda aan wax Cusbitaal caafimaad ah la geynin, waxaanu yidhi; “Nin dhaawac ah oo dhalinyaradaa Beesha Cabdalle Arab ka mid ah oo ay Xabbaddu meel xun kaga dhacday oo Bawdada ah illaa hadda Cusbitaal lama geynin ee Xero Millateri ayaa lagu haystaa, waxa nalagu yidhi; ‘wuu xidhan yahay’, waxaannu nidhi; ‘ha idiinba xidhnaado ee maad Cusbitaalka geysaan si loogu soo daweeyo oo marka la kabo halkaad geysanaysaan eek u xidhanaysaan ugu xidhataan, waa nalaga diiday oo wuxu ku xidhan yahay Xerada Millateriga ee magaalada Burco, waxaasina caddaalad maaha.”

Waxa uu Xildhibaan Jaamac-Riyo sheegay in wax ka qabashada iyo xal-ka-gaadhista shaqaaqada deegaankaas ka taagani tahay mid ka mid ah waxyaabaha ay Golaha Guurtidu u dhisan yahay, hase-yeeshee Guurtidu ay dayacday doorkoodii iyo xilkii ka saarnaa arrintaas. Balse waxa uu xusay in deegaankaas oo dhimasho iyo dhaawac horena ay ka dhaceen muranka ka taagan lahaanshaha iyo magaalaynta Deegaanka Balliga Diirye Guuleed ay dhaceen, tan shalayna soo korodhay, sidaa awgeed-na uu Golaha Guurtidu arrintan kaga hadli doono furitaanka Kal-fadhigooda oo Sabtida Maanta furmi doona sida uu sheegay, kaasoo uu xusay inuu ku rejo wayn yahay in Guddi Guurtida ka tirsan oo deegaankaas tegta lagu magacaabi doono.

Xigasho Wargeyska Himilo.