“Sidii Habar-gidir ayaan u soo guurney oo u degnay Hargeysa, Hantida u badanna annagaa leh ..” Boqor Buur-madow

“Waxaan idiin sheegayaa inaad kelmadahaas iyo dacaayaddaas joojisaan haddaydaan doonayn in magaalada Hargeysa Dagaal ka dhaco, yaannaan mar danbe maqlin Burco ayey ka yimaaddeen…” Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-Madoow

Hargeysa(Aftahannews):- Kaftan iyo wax-u-sheegis uu xusuus hore ku ladhay ayuu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madoow) ku sheegay dacaayad iyo xan jirta, meelaha lagu kulmo qaarkoodna lagaga wada kaftamo oo ku salaysan sida ay Beesha Bariga Burco (Habar-jeclo) ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Madaxweyne Siilaanyo sida ay ugu soo bateen magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland intii Md. Siilaanyo talada dalka hayay.

BOQOR CISMAAN AW MAXAMUUD BUUR-MADOOW

Beesha Bariga Burco (Habar-Jeclo) ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa lagu xantaa inay ka soo guureen gobolladii Bariga ee ay intooda badani deegaanka rasmiga ah ku ahaayeen, isla markaana ay u soo guureen magaalada Hargeysa oo ay aad ugu soo bateen intii ka dambaysay markii Axmed-Siilaanyo iyo Xisbigiisa KULKMIYE ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada 26 June sannadkii 2010-kii talada dalka lagala wareegay Xukuumaddii Xisbiga UDUB ee Mudane Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa.

Boqor Cismaan Buur-madoow oo shalay hadal kaftan iyo xaqiiqa-ba isugu jira ka jeediyey Munaasibad la isku arkay oo shalay lagu qabtay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa oo uu Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa ku doonay Gabadh oo loogu Meheriyey.

“Markaan Maqlo qoladaa Burco ka timi, waxaan soo Xasuustaa Beesha Habar-gidir (ee Hawiye) oo Waagii Muqdisho la joogey lagu odhan jirey qoladaas gobollada dhexe ka timi…Markii danbena waxay sii raacin jireen qoladii magaalada kal hore ku soo guurtey baa Dagaal ka riddey Caasimaddii iyo yaa innaga qabta..?” sidaa ayuu yidhi Baqor Buur-madoow.

Waxaanu Boqor Buur-madoow sheegay in si aan xusuustaas uu Xamar ka hayo oo kale ka dhicin Hargeysa la iska ilaaliyo kelmadaha dacaayadda ah, waxaanu yidhi; “Waxaan idiin sheegayaa inaad kelmadahaas iyo dacaayaddaas joojisaan haddaydaan doonayn in magaalada Hargeysa Dagaal ka dhaco, yaannaan mar danbe maqlin Burco ayey ka yimaaddeen.”

“Sidii Habar-gidir ayaannu soo guurney oo waannu degnay Hargeysa, Hantida iyo Dhaqaalaha ugu badanna annagaaba leh, markaa mardanbe yaannaan Kelmadahaas Maqlin.!” Sidaa ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madoow).

Hadalkan Boqor Buur-madoow, ayaa hadalkaas uu ka jeediyey Munaasibadda Dhaqan-Diiniga ah ee Ku-xigeenka Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-Caga-weyne), ayay aad ugu qosleen Labeenta Madashaasi kulmisay oo isugu jiray, Wasiirro, Salaaddiin, Boqorro, Culimo-Aw-diin, Odayaal, Wax-garad, Aqoonyahan, Masuuliyiinta saddexda Xisbi Qaran, Shir-guddoonka Golayaasha Baarlamaanka, Madaxda laamaha kala duwan ee dawliga ah, Saraakiil ka socday Hay’adaha caalamiga ah, Ururrada Waddaniga ah, Siyaasiyiin, Qurbo-joog, Fannaaniin, Abwaaniin iyo Dhalinyaro tiro badan.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.