Daawo: Munaasibad la isku Arkay oo Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Gabadh ugu fadhiistay

Hargeysa(Aftahannews):- Munaasibad ay inta badan Labeenta Bulshada Somaliland, gaar ahaan Hargeysa iyo Qurbo-joogga ku sugan laftooda, koobsatay oo ahayd Xaflad Meher, ayaa Marwada ay is-calmadeen loogu meheriyey Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, kaasoo uu garab-fadhiyey Duqa Caasimaddu.

MEHERKA INA CAGA-WAYNE IYO MADAXWEYNAHA

  MEHERKA CCASIIS CAGA WAYNE IYO CABDIRAXMAAN CIRRO

Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-Cagaweyne), ayaa maanta oo Jimce ahayd u fadhiistay Dhool Maxamed Cabdi, oo lagu siiyey, isla markaana loogu Meheriyey Munaasibaddaas oo maanta lagu qabtay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Waxaa Munaasibaddaas ka qaybgalay Xubno badan oo ka tirsan Golah Wasiirrada Xukuumadda Siilaanyo, Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka, Shir-guddoonka Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland, Madaxda Dhaqanka Somaliland, Culimo-aw-diin, Qurbo-joogga dalka ama Caasimadda ku sugan qaarkood, Fannaaniin, Abwaaniin, Dhalinyaro, Siyaasiyiin, Aqoonyahaniin, Odayaal, Wax-garad iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan.

Waxaanannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Sawirrada Munaasibaddaas la isku arkay ee Meherka Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa ee Daawasho Habboon.

 XAAJI CABDI IYO SALAADDIINWADDANI, UCID IYO XAGLO-TOOSIYE XAAJI CABDI IYO SULDAAN XIIRAY XAAJI CABDI WARAABE IYO XUBNO KALE  XIRSIXAGLO-TOOSIYE IYO JAMAAL IYO CIRRO IYO FAYSAL XIRSI IYO XUBNO KALE AA AAAA AD ADE ADF ASFDDF BOQOR BUUR-MADOOW BUURMADOOW BUURMADOOW IYO CULIMO CABDICASIIS CAGAWAYNE CABDICASIIS CAGA-WAYNE CABDILLAAHI CUKUSE CABDIRAXMAAN CIRRO CABDIRAXMAAN SOLTELCO CALI WARAN-CADDE CIRRO CUKUSE IYO QAAR KALE DFDADS DFSDF DUQA IYO KUXIGEENKA CAASIMADDA FAYSAL IYO JAMAAL FAYSAL JAMAAL IYO FAYSAL, CIRRO IYO JAMAAL FGDFGA FU'AAD CUMAR-YARE INA CAGAWAYNE OO NAAG LA SIIYEY MAAYER XIGEENKA IYO MARWADIISA MAAYER-KA IYO MAAYER KU-XIGEENKA HARGEYSA MAXAMED KAAHIN MAXAMED KAAHIN IYO XAGLO-TOOSIYE MEEHRKA T MEHERIN MEHERKA 2 MEHERKA 2E MEHERKA CCASIIS CAGA WAYNE IYO MEHERKA INA CAGA-WAYNE IYO MADAXWEYNAHA MEHERKA MAAYER KU XIGEENKA HARGEYSAE MEHERKA MAAYER KU-XIGEENKA 1 MEHERKA MAAYER KU-XIGEENKA HARGEYSA  SDMEHERKAR SOLTELCO IYO INA CAGAWAYNE SULDAAN MAXAMED SULDAAN MAXAMED IYO XAAJI CABDI SULDAAN MAXAMED, XAAJI CABDI IYO SULDAAN XIIRAY

Waxaannu leenahay Gacal iyo Sokeeyaba Guurkiinna Lagu Farax….Guurkiinnu Guur Khayr, Gurigiinna Guri Nagi Guulluhu ka yeel. Noqda kuwii Aqal-galkooda ku gaadha, Nabad, Bash-bash, Barwaaqo, Farxad iyo Raynrayn, isku raaga ee Ubad khayr qaba kala hela. Aammiin…..Aammiin……Aammiin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.