IGAD oo Iftiimiyey Qorshe Xukuumadda Siilaanyo ku rabto dib-u-dhac doorasho si ay muddo-kordhin u hesho

Hargeysa(Aftahannews):- “Waqtigan waxaannu u soconnay in aannu xaqiijinno waxa halkan ka jira, kuna dhiirrigelinno dawladda sidii loo qaban lahaa doorashada soo socota ee sannadka 2015 horraantiisa ka dhici doona Somaliland, diyaarna waxaannu u nahay in aannu IGAD ahaan dawladda la qabanno, garab galno, wixii tageero ah ee ay nooga baahan yihiinna siinno, doorashadaasina waxay muhiim u tahay ummadda halkan ku nool iyo guud ahaan Geeska Afrika.” Sidaa waxa yidhi Ambassador Maxamed Cabdi Afey oo hoggaaminayay Wefti ka socda Urur-goboleedka IGAD oo booqasho ku yimi Somaliland, isla markaana muddo sadex maalmood ah ku suagnaanaya Somaliland sida ay sheegeen.

MAXAMED CABDI AFAY SAFIIRKA IGAD U QAABBILSAN SOOMAALIYA

DSC_0345

Ambassador Maxamed Cabdi Afey oo Weftiga hoggaaminaya, isla markaana ah Safiirka Urur-goboleedka IGAD u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu tahay sidii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu dhiirrigelin lahaayeen in doorashooyinka soo socda loo qabto sida ugu dhaqsaha badan, wax dib-u-dhac ahna aannu ku iman, isagoo xusay in Ururka (IGAD) diyaar u yihiin inay Somaliland ka caawiyaan qabsoomidda doorashadaa.

Sidoo kale Ambassador Cabdi Afey, wuxuu ishaaray  inay xukuumadda Somaliland ku martiqaadeen shir dhowaan ka dhici doona magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, kaas oo sida uu sheegay ay ka qaybgeli doonaan wufuud tiradoodu dhan tahay ilaa 500 (shan boqol) oo caalamka ka socda.

“Waxaannu nahay guddidii ugu horraysay ee si rasmi ah u yimaada Somaliland, waxaanu u hambalyeynaynaa shacabka Somaliland iyo xukuumadda oo go’aansaday in ay jidkii wanaagsanaa ee Dumoqraadiyadda iyo nabadgelyadda u horseedaan shacabka ku nool Somaliland. IGAD waxay xidhiidh dhaw hore ula lahayd Somaliland, iyadoo dugsiga ku yaal Sheekh ee Xannaanada Xoolaha oo Ardayda wax ku dhigata guud ahaan ka kala yimaaddeen dalalka ku bahoobay IGAD.” Ayuu yidhi Ambassador Maxamed Cabdi Afey, wuxuuna xusay in ay la kulmi doonan mudada ay joogan Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda kale ee dawlada oo ay qaarkood durba kulamo yeesheen.

Dhawaaqa Wefdiga ka socda Urur Goboleedka IGAD, ayaa kusoo beegmay xili doorashooyinka Somaliland aanay muuqan astaamo muujinaya in ay dhacayaan, iyadoo doorashada Madaxtooyadda aanay muuqan astaamo iyo ifafaalo tilmaan u noqonkara in ay dhacay, isla markaana aanay jirin waqti ilaa hadda loo cayimay doorashada Madaxtooyadda, iyadoo xiligii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka hadheen wax ka yar sanad.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa qudbad sanadeed uu hore ugu jeediyay labada gole Baarlamaan 2012, wuxuu ku sheegay in aanu diyaar u ahayn marka uu dhamaado muda xileedkiisu in maalin loogu daro, waxaana dhowaan soo baxday inuu yahay Musharaxa teeramka labaad ee Xisbigiisa Kulmiye, taas oo muran weyni ka aloosmay kadib shirweynihii Xisbiga kadib markii gudoomiyaha Xisbiga Musue Biixi ku dhawaaqay inuu yahay Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga marka la gaadho 2015, doorashada aan weli la astayn, balse muran siyaasadeed iyo sawaxan dheer ka dib wax aka tanaasulay musharaxnimada xisbiga dhexdiisa inuu kula tartamo Madaxweyne Siilaanyo Gudoomiye Muuse Biixi kadib ergooyin arrintaa galay.

Mucaaradka ayaa Todobaadyadii u danbeeyay waxay si weyn uga qaylinayeen dib u dhac ku yimaada Doorashada Madaxtooyadda iyo in ay timaado muddo kordhin aan loo baahnayn oo saamayn ku yeelata deganaanshaha iyo xasiloonida dalka haddii aanay doorashada waqtigeeda ku dhicin, iyadoo Xisbiga Mucaaradka ee UCID, durba ku baaqay haddii doorashada Madaxtooyadu qabsoomi weydo ka hor mudada u hadhay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo in la sameeyo dawlad ku meelgaadh ah.

Hase yeeshee mar walba Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay ishaaraysay in ay diyaar u tahay doorashada oo dhacda, balse waxa maalmihii u danbeeyay isa soo tarayayay dhawaaqyo kasoo baxayay xubno Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo ay hormood u yihiin wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, iyagoo ishaarayay in muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay tahay waajib, maadaama hore loogu sameeyay xukuumaddihii hore, iyaoo ku dooday in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wax badan ka qabatay waxyaabihii ay ku balanqaaday xiligii ololaha doorashada 2010.

In kasta wefdiga IGAD tilmaameen ahmiyada ay doorashada Somaliland u leedahay Mandaqada, maadaama doorashooyinka iyo nidaamka geedi socodka dumuqraadiyada ka jira Somaliland astaan iyo tusaale u noqdeen wadamada gobolka iyo Afrikaba,  haddana xubnaha wefdiga ee ka socda Urur Goboleedka  IGAD, oo ay ku bahoobeen dalalka Djibouti, Ethiopia, Sudan, Kenya, Eratariya, Uganda iyo Soomaaliya, ayaa ah  dalal sabool ka ah dhamaantood nidaamka Dumuqraadiyadda, Doorashooyinka xorta ah  iyo Xoriyatu qawlka, kuwaas oo aanay macno baddan samaynayn in ay Somaliland kala hadlaan dumuqraadiyad aan ka jirin wadamada la aqoonsanyahay ee xubnaha ka ah IGAD oo mararka qaar nidaamka geedi socodka Dumuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland ay dhibsadan hogaamiyayaasha mandaqada ee xubnaha ka ah IGAD, iyadoo aanay Somaliland xubin ka ahayn, balse wada shaqayn ka dhaxayso IGAD.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in booqashada wefdiga IGAD iyo bushaarooyinka ay ka dhawaajiyeen yihiin kuwo ahmiyad weyn lahayn, balse u muuqda keliya dhiiri gelin dhinaca Somaliland in ay sii hayso dariiqii ay hore ugu socotay ee doorashooyinka iyo nidaamka geedi socodka oo ay tusaale ugu noqotay mandaqada iyo guud ahaanba gobolka dawladaha waaweyn ee ka jira, balse waxa si cad xiligan u muuqda in aanay jirin ifafaale iyo astaamo muujinaya in doorashada Madaxtooyadu ku qabsoomay mudada hadhay ee xiliga Xukuumadda talada haysa, waxaana taa bedelkeeda muuqda astaamo si cad I ishaaraya in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo diyaar u tahay mudo kordhin, balse aanay diyaar waqtigan u ahayn doorasho cirka ku laalan oo aan weli waqtigeedii la cayiminin.

Xigasho Araweelonews.com.