Taliyihii Booliska Puntland ee Gobolka Bari iyo Saraakiil kale oo lagu dilay Qarax ka dhacay Boosaaso

Boosaaso(Aftahannews):- Taliyihii Ciidanka Booliska gobolka Bari ee Maamul-goboleedka Puntland Cabdirixmaan Cali Xuseen (Muslim) iyo saddex Ciidanka ka tirsanaa oo kale, ayaa galabta lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha Taliska Ciidanka gobolka ee magaalada Boosaaso.

300x300x54-450x253-300x300.jpg.pagespeed.ic.8XGn9aKR-P

Qaraxa lagu dilay Taliyaha oo ka dhacay agagaarka Taliska qeybta Booliska ee Boosaaso, ayaa ahaa mid qof xidhnaa walxa qarxa uu fuliyey. Allaah ha u naxariistee Taliye Cabdirixmaan Muslim, ayaa waxa la dhintay Taliyihii Laanta Cashuuraha Barriga Maxamuud-Ilka-case oo ahaan jiray Xoghayihii iyo Dareewalkii hore ee Wasiirka Maaliyadda Puntland Xukuumadii Madaxweyne Faroole.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska qeybta gobolka Bari oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in qofka Ismiidaamiyey uu ahaa mid waddada marayey, isla markaana ordayey.

“Taliyaha iyo Ilkacase iyo qaar ka mid ah ilaaladooda markii ay ka baxeen albaabka Taliska qeybta oo aanay gaadhin Gaadhigii ay raaci lahaayeen, ayaa nin walxaha qarxan xidhani isku qarxiyey.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland ee gobolka Bari oo Weriyeyaasha Boosaaso la hadlay Qaraxaasi markii uu dhacay ka dib.

Taliye Cabdirixmaan Muslim, ayaa dhaawac ahaan looga qaaday albaabka Taliska qeybta isaga oo qaba dhaawac culus, waxaanu dhaawacaas u geeriyooday markii la gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Boosaaso ka dib. Waxaana qaraxaas dhaawac ka soo gaadhay illaa laba Askari oo ilaalada Taliyaha ka mid ahaa, inkasta oo y wararka qaar sheegayaan in khasaaruhu intaa ka badan karo, haddana war intaa ka faahfaahsan weli lagama hayo.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxaas Ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay Saraakiisha ka tirsanaa Ciidanka Booliska Maamul-goboleedka Puntland ee gobolka Bari. Dhawr bilood ka hor ayay ahayd markii ay Malleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaallanta Buuraha Galgala ay dileen Taliyihii hore ee Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Boosaaso/Puntland/Somalia.