Xildhibaan Baaq ka soo saaray Beel uu sheegay inay Xukuumadda garab ka helayso oo ku duushay Beel kale

“Balliga Diirye Guuleed noqon maayo meel sidii Kalshaale Kaaraha iyo Awrka Geeddiga ah ee Habar-jeclo la is-daba-waday, ee haddii laga joogsan waayo go’aanka dhul-ballaadhsiga ah ee Shirkii Gar-adag lagu gaadhay Birtaa la iska asli doonaa…” Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ka tirsan, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay garab siinayso mid ka mid ah Beelaha Beesha uu Madaxweynuhu ka soo jeedo oo uu sheegay inay duullaan dhul-boob ah ku qaadday Beesha uu Mudane ahaan ka soo jeeddo oo uu xusay inay muddo boqolsano iyo ka badan ah degganaayeen Waqooyiga magaalada Burco.

Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac-Riyo) oo ka tirsan Golaha Odayaasha Somaliland, ayaa sheegay inay Beesha Axmed Faarax (Reer Biniin) oo ka tirsan Beelaha Habar-jeclo ay duullaan ku qaadday Beesha Cabdalla Arab oo uu sheegay inay ku haystaan Deegaanka la yidhaahdo Balliga Diirye Guuleed oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo la qoday 1954-kii, sida uu sheegey Xildhibaanku.

Isla markaana ay labadii Madaxweyne ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminta Somaliland uga horreeyey ee Allaah ha u naxariistee Marxuuma Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Madaxweynihii ku xigey ee Mudane Daahir Rayaale Kaahin-ba ay saxeexeen in la magaaleeyo deegaankaas, sidoo kalena ay illaa laba Maayer oo magaalada Burco isaga dambeeyey iyo laba Badhasaab oo gobolka Togdheer soo maray-ba ay saxeexeen in deegaankaas la magaaleeyo.

Hase-yeeshee, waxa uu Xildhibaan Jaamac-Riyo, ku dooday in Beeshaas oo uu xusay inay taageero iyo garab ka helayso Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo, ay Ciidan dul-geysay deegaankaas, isla markaana Maamullada magaalada Burco iyo gobolka Togdheer oo aqoonsan sharcinnimada deegaankaas in la magaaleeyo oo bino Barkado iyo Dhismayaal ah laga samayn karo ay Xukuumaddu ku cadaadisay inay iska indha-tiraan sharciyadaa ka horreeyey, ka dibna la joojiyo Binada Barkadaha ee halkaas ay Beeshiisu ka bilawday.

Waxa uu Xildhibaan Jaamac-Riyo sheegay in halkaas ay ka dhacday Shaqaaqo oo laba nin oo Beeshiisa ka soo jeeda midkood ay Beesha kale ku dileen deegaankaas mid kalena ku dhaawaceen. Sidoo kale-naxa waxa uu xusay in Beeshaasi ay shalay weerartay Beeshiisa, ka dib markii sida uu xusay ay dhex-mareen Ciidammo Boolis ah oo halkaas inaan shaqaaqo ka dhicin u jooga, oo uu hal qof ku dhaawacmay.

Waxaanu Xildhibaanku ugu baaqay Madax-dhaqameedka iyo Aqoonyahanka reer Togdheer iyo reer Burco ay kala gaadhaan labadaa Beelood, isla markaana ay cidda gardaran runta u sheegaan oo ay qabtaan hadday Beeshiisa tahay iyo hadday Beesha kale ee Madaxweyne Siilaanyo tahay-ba, isagoo sidoo kale Xukuumadda iyo Golaha Guurtida ugu baaqay inay Dirirta halkaas ka taagan si dhaqso ah wax qabtaan, haddii aan maanta waxba laga qaban-na inay xaajadu sidaa ka sii fogaan karto, dhibtuna intaa ka sii badan doonto.

Haddaba, Warkaas oo aan qoraal lagu soo koobi karin oo uu dhinacyo badan kaga hadlayo Xildhibaan Jaamac-Riyo, kagana sheekaynayo, waxa dhacay, sida wax u bilaabmeen, xaaladda hadda taagan, ifafaalaha jira iyo wax-ka-qabashada wakhtigan la joogo loo baahan yahay, waxaad kaga bogan kartaan oo aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan.

Halkan Hoose Guji si aad u daawato Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee Xildhibaan Jaamac-Riyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.