Nuxurka Khudbad uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ka jeediyey Shirweyne lagu qabtay Norway

Trondheim(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa khudbad ka jeediyey Shir lagaga wadahadlayey dardar-gelinta dimuquraadiyadaynta Soomaaliya, Shirkaas oo lagu qabtay magaalada Trondheim ee waddanka Norway, isla markaana ay ka qaybgaleen Ergooyin afar boqol oo ruux ka badan oo isaga kala yimi dalal kala duwan oo dunida ah.

Gudoomiye-Jawaari-Trondheim-9222

  Gudoomiye-Jawaari-Trondheim-11eGudoomiye-Jawaari-Trondheim-6eeeGudoomiye-Jawaari-Trondheim-1011Gudoomiye-Jawaari-Trondheim-82222Gudoomiye-Jawaari-Trondheim-9222Gudoomiye-Jawaari-Trondheim-7eewqererferfGudoomiye-Jawaari-Trondheim-3weweGudoomiye-Jawaari-Trondheim-4wewGudoomiye-Jawaari-Trondheim-5ewewew

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa khudbad ka jeediyey shirkaas lagaga hadlayey dardar-gelinta Dimuqraadiyeynta Soomaaliyao ayadoo shirkanna ay ka qeybgaleen ergo ka badan 400 oo qof, khudbaddaas oo uu ku faahfaahiyey Guddoomiyuhu sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay in laga hirgeliyo nidaamka dimuquraadiyadda, isla markaana looga bixi lahaa nidaamka hab-beeleedka ay Golayaasha dawladda Federaalka ah ee hadda ka jirta Soomaaliya ay ku dhisan tahay.

Shirkan oo lagu qabtay Magaalada Trondheim ee dalka Norway, ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay, isla markaana khudbad ka jeediyey Raysal-wasaarihii hore ee Norway Mr Bendevic oo isagu khudbaddiisa kaga hadlay doorka ay dawladda Norway ku laheyd hirgelinta hannaanka Dimuqraadiyadda Soomaaliya iyo taageerrada ay ku doonayaan in lagu dardar geliyo Dimuqraadiyadaas isaga oo si gaar ah u xusay iney Soomaaliya ka taageerayaan arimaha Axzaabta siyaasadeed iyo Doorashooyinka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa faah faahin ka bixiyey xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan shaqooyinkii uu qabtay Golaha Shacabka Soomaaliya mudada Labada sano ah ee uu jiro, daruufaha adag ee lagu shaqeynayo iyo halka la hiigsanayo oo ah in dalkan la gaarsiiyo sanadka 2016ka doorasho xor ah taasi oo uu xusay iney ka go’antahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka, ayaa kulan la qaatay Haweeneyda ah Guddoomiyaha magaalada Trondheim Rita Ottervik  oo uu kala hadlay Xaaladda ay guud ahaanba Muslimiinta ku nool magaalada Trondheim, si gaar ahna Soomaalida magaaladaasi ku dhaqan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.