Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne Soomaaliya oo markii u horreysay Safar ku tegay Garbahaaray

Garbahaaray(AFT):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya, halkaasoo la filayo inuu kulkammo kala duwan kula qaato Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka gobolkaas.

xasan sheekh maxamuud

Booqashadan ay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Weftigiisu ku tageen magaalada Garbahaaray ee xarunta gobolka Gedo, ayaa noqonaysa Booqashadiisii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tego magaaladaas tan iyo markii xilka Madaxtinnimada Soomaaliya uu qabtay Bishii sagaalaad ee sannadkii 2012.

Garoonka degmada Garbahaareey, ayay Madaxweynaha iyo Weftigiisa ku soo dhaweeyeen Maamulka Heer Gobol iyo Degmo, Madaxda Dhaqanka iyo Dadweyne kale oo tiro badan. Waxaanu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Salaan-Sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ee ku sugan degmada Garbahaaray.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh  ayaa wuxuu Salaan Gacan-qaad ah la dhex-maray Dadweynaha iyo Masuuliyiinta ku soo dhaweeyey magaalada Garbahaaray ee xarunta gobolka Gedo. Waxa uu Madaxweynuhu sheegay inay booqashadiisan uu ku tegay Garbohaaray tahay mid uu doonayo inuu wax badan kaga ogaado xaaladda nololeed ee dadka gobolka ku dhaqan.

Nabadgelyada Magaalada Garbahaaray ayaa aad loo adkeeyey, isla markaana waxa la arkayey Ciidammo isugu jiray kuwa dawladda Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee AMISOM oo taagan waddooyinka iyo qaybaha kala duwan ee magaalada, kuwaasoo guud ahaan sugayey Ammaanka magaalada, ka Madaxweynaha iyo Weftiga la socdaba.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Weftiga uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda kulammo kala duwan la yeeshaan Masuuliyiinta kala duwan ee dawladda ee heer gobol iyo degmo, Masuuliyiinta Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ee gobolkaas Ku-sugan, Madaxda Dhaqanka, Aqoonyahanka iyo Wax-garadka Degmada Garbahaaray iyo gobolka Gedo-ba, isla markaana ka wadahadli doonaan arrimo xaaladda siyaasadeed iyo nabadeed ee gobolkaas ku saabsan.