Isra’iil oo Shaacisay inay sii wadayso Xasuuqa Muslimiinta Qasa iyo tiradii u dambaysay

Qasa(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Yuhuudda Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Ciidammada dalkiisu ay sii wadi doonaan duullaanka iyo Xasuuqa ay Yuhuuddu ku hayso Shacabka Falastiin ee magaalada Qaza ku dhaqan tan iyo inta ay ka burburinayaan dhammaan marinnada dhulka hoostiisa ah ee uu Ururka Xamas dhistay.

140730225444_market_near_gaza_city_304x171_epa_nocredit 140728204956_sp_benjamin_netanyahu_464x261_afp

Raysal-wasaaraha Yuhuudda, ayaa sheegay in burburinta marinnada dhulka hoostiisa ah ee Xamaas aanay joojin doonin xataa haddii la gaadho xabbad-joojin. Waxaanay dawladda Yuhuudda Israa’iil u yeedhay 16,000 oo ka tirsan Ciidammadeeda Keydka ah si ay uga qayb-qaataan dagaalka Yuhuuddu ku xasuuqayso Shacabka aan hubaysnayn ee Falastiiniyiinita Qasa.

Jimciyadda Quruumaha Ka Dhaxaysa, ayaa sheegtay in tirada shacabka ku barakacay dagaalka Qaza ay gaartay 425,000 oo qof, waxaana 225,178 qof oo barakacayaal ah ay ku nool yihiin goobo ay Qaramada Midoobay maamusho oo ku yaalla Qaza.

Duullaanka iyo Xasuuqa ay Yuuhuudda Israa’iil ka waddo magaalada Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta, ayaa maanta galay maalintii 25-aad, ayaa waxa ku dhintay Falastiiniyiin tiradoodu ka badan tahay 1,360 halka Israa’iiliyiintana laga dilay 59 u badan Askarta dagaalka ku jirta.

Tirada Falastiiniyiinta reer Qasa ee la dilay ee maraysa kun saddex boqol iyo lixdanka qof, ayaa isugu jira Carruur, Hooyooyin, dad Waayeel ah oo Rag iyo Dumarba leh iyo dhalinyaro Ciyaala-iskuul ahaa, kuwaasoo dhammaantood la laayay iyaga oo aan hubaysnayn, isla markaana guryohooda jooga iyo kuwo ka qaxayey magaalada Qasa oo ay Yuhuuddu la eegatay Madaafiicda iyo Duqaymaha ay ka ridayso, Dhulka, Badda iyo Diyaaradaha dagaalka ee ay magaaladaas ku garaacayso tan iyo maalintii ay dagaalka bilawday saddex toddobaad ka hor.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.