Warbaahinta Jabuuti oo iftiimiyey Habeenka uu ula ekaa Laylatul-qadriga & Sababta ay ku xusheen!

Waa Maxay Saamaynta Siyaasadeed ee ka dhalatay Meherkii Gabadha uu Dhalay Madaxweynaha Jabuuti?

Jabuuti(Aftahannews):- Warbaahinta Xukuumadda Jabuuti, ayaa baahisay in Habeenkii Laylatul-qadar-ku sahlay inay midoobaan laba nin oo kala duwanaanshaha fikradahooda Siyaasadeed awgeed u kala maqnaa, isla markaana Warbaahinta isu marin jiray weedho xanaf iyo xamaasad leh.

MEHERKA Gabadha Madaxweynaha Jabuuti dhalay

Sida lagu baahiyey Wargeyska La nation oo ku hadla Afka Xukuumadda Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Yarad looga siiyey inan uu dhalay afartan Neef oo Geel ah iyo Qori Maadhiin-yare Qarnigii Sagaal iyo tobnaad la isticmaali jiray, taasoo la Meheriyey habeennimada 25-ka Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

Xafladda Meherka Haybado Ismaacil Cumar Geelle iyo Dr. Jaamac Cilmi Cukiye, oo ay ka qeybgaleen Ugaaska Beesha Ciise, Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Madax-dhaqameed kala duwan, Siyaasiyiin, Masuuliyiin ka kala socday dawladaha iyo Xisbiyada Geeska Afrika oo uu Kulanka Bixinta iyo Meherinta Gabadhiisa ku casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

Hase-yeeshee, waxaa dad badan oo xog-ogaal u ah xiisadaha siyaasadda Jabuuti ee u dhaxaysa Mucaaridka iyo Muxaafidka dalkaas xiiso gaar ah u sameeyey, markii Xafladda Meherka la isugu yimi, isla markaana uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Jabuuti Ismaaciil Geeddi Xareed Madasha ka sheegay inay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga fadhiyaan Siinta ama bixinta Inantiisa Haybado Ismaaciil Cumar oo ay u doonayaan Dr. Jaamac Cilmi Cukiye, waxaanu Madaxweyne Geelle halkaas ku hibeeyey, kuna Meheriyey Inantiisa Cibaado ee looga soo geed-fadhiistay, isaga oo u muuqday inuu bixinteeda aad ugu faraxsanaa.

Sidaa daraaddeed, Munaasibadda la isugu Meheriyey Haybado iyo Dr. Jaamac, ayaa u muuqatay mid isu-soo-dhoweysay laba nin oo kala duwanaanshaha afkaartooda Siyaasadeed awgeed u kala irdhoobay, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxii hore Aqalka Madaxtooyada wakhtigii Madaxweyne Xasan Guuleed Aabti-doon.

Madaxweyne Ismaaciil iyo Shaqsiyaad kale oo joogay Madaxtooyada Jabuuti xilligii Xasan Guuleed, ayaa ku guul-darraystay xal u helidda inay isu soo dhoweeyn ka sameeyeen khilaafyadii u dhexeeyey Xisbiyada USN iyo UMP, Balse, dunnida wax aan suurtoobini ma jiraan.

Habeenkan Munaasibadda Meherku ka qabsoontay magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa ku beegnayd 25-kii Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan tobankeedii dambe, isla markaana ahayd habeennadii laga baadhayey Habeenka kunka bilood ee u dhigma Saddex iyo Siddeedanka sano ka khayrka badan oo laga raadiyo tobanka dambe ee Ramadaan.

Gaar ahaan habeennada tirada kala dhiman sida 21, 23, 25, 27, iyo 29-ka, sida uu Nebi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee uu ku dardaarmay (S.C.W), laakiin Allaah ayuun baa og habeenkaasi ka uu ka yahay ama ka ahaa tobankii dambe ee Bisha Ramadaan oo dhammaantood ay Muslimiintu Masaajiddada buux-dhaafiyeen, aadna ay u oogeen Cibaadada bisha Ramadaan, gaar ahaan Salaadda Habeenkii ee Salaatul-laylka si ay habeenkaas khayrka badan ula kulmaan.

Xigasho Wargeyska Himilo.