Warbixin Koobaysa Sida looga Ciiday dalalka Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti iyo Dunida Islaamka

Hargeysa(Aftahannews):- Iyagoo dhammaan waddamada Muslimiinta ay Shucuubta, Madaxda iyo Masuuliyiinta Islaamka ahi ay maanta u dabbaal-degeen Munaasibadda Ciidul-fidri ee sannadkasta loo dabbaal-dego marka ay Bisha Barakaysan ee Ramadaan galbato ama dhammaato, isla markaana Oogay Salaadda Ciidul-fidriga oo inta badan ay Muslimiintu ku tukanayeen Masaajiddada iyo goobaha bannaanka ama garoommada ah oo ay kumaamkun Muslmiin ahi isugu soo baxeen, ayay Soomaalidu-na sidaasoo kale muujiyeen.

 Feed 2 c

Copy of ss CABDIWALI GAAS IYO SALAADDA CIIDUL-FIDRIGA cc ccc ccccc FS FSFDS IMG_0299 SALAADDA CIIDDA EE DEGMADA BARAAWE SAMAALE IYO CIIDDA SF SFV ss TT 88VV

Takbiirta u gaarka ee ay Muslimiintu ku wayneeyaan ama ku oogaan Salaadaha Ciidul-fidriga iyo Ciidul-odxada oo ah labada Ciidood ee Islaamka ALLAAH u gaar-yeelay, ayey Culimada Islaamku kor-ugu dhawaaqayeen iyagoo adeegsanaya Cod-baahiyeyaal, kuwaasoo ay dadweynaha Muslimiinta ah ee ka xaadiray goobaha garoonnada iyo Masaajiddada lagu tukanayey Salaadda Ciidduna ay kaga daba-dhawaaqayeen.

Dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalalka Somaliland, Soomaaliya Jabuuti, ayaa iyaguna si weyn u Ciidan Ciidan Ciidul-fidriga, kuwaasoo sida caadada ah ay Masuuliyiinta iyo Madaxda kala duwan ee dawladahaasina kala qaybgaleen Salaadda, isla markaana, inkasta oo aanu Madaxweynaha Somaliland Ciiddan ku sugnayn gudaha dalka, balse uu Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu Safar ku joogay tan iyo 17-kii bishan July, haddana Masuuliyiinta kala duwan ee dawladda ee Madaxweyne Ku-xigeenka, Golaha Wasiirrada, Baarlamaanka, Maamullada heer Degmo iyo Gobol iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, ayaa iyaguna dadweynaha la Tukaday Salaadda Ciidul-fidriga, kuwaasoo khudbado kala duwan u jeediyey Bulshada.

Sidoo kale, Madaxweyneyaasha iyo Raysal-wasaare-yaasha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa iyaguna magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho Kumannaan Shacabkooda ka tirsan kula Tukaday Salaadda Ciidul-fidriga, iyaga oo Hambalyo, Salaan iyo Duco u diray Shucuubta Islaamka oo dhan, gaar ahaanna Bulshooyinkooda, isla markaana Khudbado guubaabo iyo baraarujin dalalkooda iyo dadkooda dani u jirto ka jeediyey Munaasibadaha Ciidul-fidriga.

Dadweynaha kala duwan ee dalalka Islaamka, gaar ahaan waddamada Soomaalida ee aynu ka warrannay, ayaa iyagoo faraxsan, isla markaana Dhar kala duwan oo Bilicsan ku labbisan si farxad dheeraad ah leh isugu salaamayey suuqyada Caasimadaha Somaliland ee Hargeysa, Soomaaliya ee Muqdisho, Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo magaalooyinka kale ee la midka ah ee dalalkaas.

Waxa waddooyinka magaalooyinka iyo goobaha Huteellada ah lagu arkayey Carruur Qurux-san oo si wacan loogu soo labbisay oo Wiilal iyo Gabdhaba isugu jira oo Waalidkood iyo Walaalohooda Waawayni daaddahaynayeen oo lagu Ciid-siinayo, iyaga oo Huteellada ay ku yaallaan Leexooyinka iyo Beeraha Carruurtu inay ku ciyaaraan loogu talo-galay ee qalabyada ay ku ciyaaraan ee kala duwan lagu rakibay la arkayey iyaga oo Carruurta iyo Waalidkood kuyuu ugu jiraan si ay Carruurta ugu soo ciyaarsiiyaan Farxadda Ciidul-fidriga awgeed, iyaga oo Carruurtu kaga dananinayey qalabyada kala duwan ee dhawaqa sameeya ee Ciidaha Carruurtu inay ku ciyaaraan loogu talo-galay.

Dhinaca dalka Soomaaliya, Kooxda Al-Shabaab, ayaa iyaguna dad faro-badan isugu soo saaray fagaare ku yaalla magaalada Baraawe ee xarunta u ah iyo sidoo kale magaalooyinka kale ee ay gacanta ku hayaan Malleeshiyada Al-Shabaab si ay Salaadda Ciidul-fidriga u tukadaan, kuwaasoo Saraakiisha Kooxdu khudbado kala duwan oo ku saabsan Jahaadka iyo sida loogu baahan yahay inay ka qayb-qaataan iyo Muxaadirooyin Fadliga Ciidda ku saabsan u jeediyey dadweynaha ay isugu soo saareen fagaarayaasha.

Magaalooyinka kala duwan ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa iyagana sidoo kale looga oogay Salaadda-Ciidul-fidriga, waxaana sidaasoo kale dadweynaha reer Puntland Salaadda Ciidda la tukaday Masuuliyiinta kala duwan ee dawladda, isaga oo Madaxweynuhu magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkaas kula tukaday boqollaal ka tirsan dadweynaha magaaladaas.

Deegaannada ay ka taliyaan Culimada Ehlu-Sunna Wal-Jameeca ee badhtamaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Guri-ceel, Dhuusa-mareeb iyo degmooyinka hoos-yimaadda, ayaan maanta oo Isniin ahayd laga Ciidin, isla markaana Salaadda Ciidul-fidriga laga tukannin.

Iyaga oo Culimada Ehlu-Sunna sheegay inay maanta tahay maalin Ramadaan ah oo ay Soomman yihiin, isla markaana ay tahay maalintii Soddonaad ee ay ku jiraan bisha Ramadaan, sidaa awgeedna maaddaama oo aanay deegaannadooda Bisha Soon-fur oo bilatay ka arag ay dhammaysanayaan soddonka maalmood ee Soonka.

Waxay Culimada Ehlu-Sunna Wal-Jameeca sheegeen inay Salaasada Berri haddii ALLAAH yidhaahdo tukan doonaan Salaadda Ciidul-fidriga, iyagoo Arag iyo Arag la’aanta bisha labadaba ku Ciidaya, mar hadday soddonkii maalmood ee Soonka maanta u dhammaatay, kuwaasoo caawa soodhawaynta Ciidul-fidriga looga dabbaal-degayo deegaannadaas ay ka taliyaan, iyaga oo daliishanaya Axaadiis Nebi Muxamed iyo sidii uu maalintan oo kale yeeli jiray daliishanaya.

Muslimiinta reer Falastiin ee magaalada Qasa ku dhaqan, ayaan iyagu farxadda ay Muslimiinta caalamku ku qaabbileen Munaasibadda Ciidul-fidriga la wadaagin walaalohooda Islaamka ah ee dunida, waxaanay ku qaabbileen soo dhawaynta Madaafiicda iyo Gantaalaha ay Yuhuudda ee Eebbe Nacdashiisu ku soo degtaa kaga garaacayaan Dhulka, Cirka iyo Badda-ba, kuwaasoo dad ku dhaw toddobo boqol oo Falastiiniyiin ah oo isugu jira Carruur, Hooyooyin, Dhalinyaro iyo Waayeel tiro badan ay ku xasuuqayeen saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyey.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.