Sheekh Aadan-Siiro oo Kashifay go’aan ay Xukuumadda Siilaanyo ku gaadhay inay Hargeysa Xaraashto

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan-Siiro) oo ka tirsan Culimada reer Somaliland, ayaa Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku eedeeyey inay go’aansatay inay iibiso Caasimadda Hargeysa, hase-yeeshee aanay ka aqbali doonin inay wada iibiso dhulka magaalada.

Sheekh Aadan-Siiro oo ka hadlay dhaqan-xumo ay Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland la soo baxeen

Sheekh Aadan-Siiro, oo Khudbad ka jeediyey Salaaddii Ciidul-fidriga ee Saaka oo uu dadweynaha Caasimadda Kumannaan ka tirsan ku Tukiyey Garoonka Xawaadle ee magaalada Hargeysa, waxaanu shaaca ka qaaday Sheekhu in Shaqsiyaad ka tirsan Xukuumadda Siilaanyo ay uga faa’iidaysanayaan boobka iyo ku-tagri-falka dhulka magaalada Hargeysa dano siyaasadeed iyo kuwo shaqsi ahba, taana aan laga yeeli doonin.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay shakhsiyaad gaar ah oo dano siyaasadeed ay ka leedahay ka iibinayso dhulka bannaan ee Caasimadda iyada oo u maraysa Golaha deegaanka ee Hargeysa oo hoggaankiisu ka soo jeedo Xisbiga Kulmiye, waxaanu shacabka Hargeysa cod-dheer ugu jeediyey inay feejignaan dheeri ka yeeshaan xukuumadda talada haya oo uu ku tilmaamay inay u tafo-xaydatay xaraashka dhulka bannaan ee ku yaala darafyada magaalada.

Sheekha oo maanta Khudbad u jeedinayey dadweyne Salaaddii Ciidal-Fidriga ku tukanayey Garoonka Xawaadle ee Xaafadda 26-ka June, waxa uu ku gooddiyey in aanay shacabka Caasimaddu cidna ka yeeli doonin xaraashidda iyo iibka dhulka bannaan ee caasimadda.

Sheekh Aadan-Siiro oo qodobbadaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Afartan sannadood dadkii wax akhriyey baan ka mid ahay, aqooni meeshay doontaba ha idhigtee, waxaan doonayaa idinka inaan idinla taliyo, naftayda la taliyo. Maaha inaan idiin sheego waxaad jeceshihiin, laakiin waa inaan idiin sheego waxa dani idinku jirto. Waxaan ka hadlayaa arrinta Dhulka.”

“Xukuumadda Maanta Jirtaa waxay go’aansatay Hargeysa inay wada iibiso siday u dhammaystiran tahay. Ma Aqbalayno, Hargeysa dhulkeeda lama iibin karo, awood kasta oo uu ninku leeyahay ma iibin karo; Suldaan baan iibin karin, Madaxweynaan iibin karin, Wasiir baan iibin karin, Wadaadbaan iibin karin, Qabiilbaan Iibin karin. Inta maanta joogtaa (shacabka Hargeysa) waa Milyan iyo saddex boqol oo kun (1,300,000). Illaa Qiyaamaha Inanka Dhalan doona, ayaa dhulka Hargeysa wax ku leh, kaasaa talo laga weydiinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro).

Sheekh Aadan-Siiro oo talooyin kala duwan jeedinayaa waxa uu yidhi; “Waar waxaan leeyahay dhulka Hargeysa hala ilaaliyo, waar intii hadhay ee Xukuumaddii aynu la dagaalanney ka tagtay oo ahayd Labaatan Kiiloomitir oo Isku-wareega (20KM2).  Waxa iman doono dhakhtarro waaweyn, waxa iman doono Jaamacado waaweyn, waxa iman doono Shirkado badan; intaasiba dhulbay u baahanayaan, ma bidaartiina ayaydun dejintaan kuwaasi.”

Waxa uu Sheekh Aadan intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Dhulka Hargeysa lama iibin karo, waxaanu leenahay ninka ku riyoonayow waar ka daa, waxaanu leenahay kuwa iibsanayow, waa laysugu iman doonaa oo la yeeli maayo lacagtaada iska hayso. Waxa Iman doona Xukuumad Caqli, Cilmi iyo Xikmad ku shaqayn doonta oo la xisaabtami doonta wixii umadda ka dhexeeyay. Suurto-gal maaha, la yeeli maayo, la aqbali maayo in dhulka dad gaar ah la siiyo, koox gaar ah ay qaadato, dhulkaasi wuxuu ka dhexeeyaa dadka oo dhann. Ilaa Toon-baa la qorsheeyey, Ilaa Haleeyaa la qorsheeyey, Illaa Abaarsaa la qorsheeyey, ilaa Illintaa la qorsheeyey.

“Dhib badan-baa dhulkii ka taagan, waxa inoo heshiisay Koox Maamulka ku jirta, Kooxbaa inoo heshiisay Ganacsato ah, Kooxbaa inoo heshiisay wadaaddo ah, Kooxbaa inoo heshiisay cumaamado waaweyn sita, Kooxbaa inoo heshiisay Landlords la yidhaahdo oo Qiime u samaysatay (Dhulka) oo dadka baadha, waar kooxdaas la dagaalama.” Sidaa ayuu khudbaddiisa uu Salaaddii Ciidul-fidriga ka jeediyey ku yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro).

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.