Madaxweynaha Somaliland oo Farriin Lacag Fiican Xambaarsan ka soo diray dalka Ingiriiska

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo 11-kii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa magaalada London ee waddanka Ingriiska, ayaa farriin Lacag fiican xambaarsan ka soo diray dalkaas uu safarka ku joogo, farriintaas oo lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo Lacag dhan Boqol Kun oo Doollarka Maraykanka ah uu ugu deeqay ama kaga qayb-qaadanayo dhismaha Waddada isku xidha magaalooyinka Balli-gubadle iyo Hargeysa ee xarumaha gobollada Hawd iyo Maroodi-jeex.

dolar111111

madaxweyne siilaanyo

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ee ka soo baxay Xisbiga hadda talada dalka haya ee KULMIYE, oo dadweyne badan oo reer Hargeysa ah isaga iyo Masuuliyiin kale ay Saaka kala qaybgaleen Saaladdii Ciidul-fidriga oo ay ku tukadeen Garoonka Kubbadda Cagta ee Hargeysa Stadium, ayaa halkaa ka sheegay in uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo soo wakiishay, isla markaana uu lacag dhan Boqol Kun oo Doollarka Maraykanka ah inuu kaga qayb-qaatay dhismaha jidka isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Balli-gubadle.

Xildhibaan Nacnac waxa uu sheegay in Madaxweynuhu isaga u soo wakiishay inuu Munaasibadda Ciidda ee maanta oo qorshuhu ahaa in waddada Balli-gubadle iyo Hargeysa Dhaqaale looga ururiyo dadweynaha iyo Masuuliyiinta kala duwan ee Ciid kasta ku tukada Hargeysa Stadium inuu ka sheego Lacagtaas Madaxweynuhu ku deeqay si ay Guddiga gacanta ku haysa dhismaha iyo Dhaqaalaha Waddadaas ay u diiwaangeliyaan ama ay ku darsadaan Dhaqaalaha Waddada ee ay ku xisaabtamayaan.

Dadweynaha Salaadda Ciidul-fidriga ku tukaday Saaka Garoonka Kubbadda Cagta Hargeysa Stadium ee magaalada Hargeysa oo isugu jiray Ganacsato, Culimo, Masuuliyiin kala duwan oo dawladda ka tirsan iyo qaybaha Bulshada, ayaa Dhaqaale Fiican ay Dhismaha Waddada Balli-gubadle iyo Hargeysa isku xidha ay ugaga yabeen Masuuliyiin, Ganacsato iyo dad kaleba, kuwaasoo qof waliba intii uu awooday ama uu ugu talo-galay inuu Jidkaas kaga qayb-qaato halkaas kaga yaboohay, isla markaana ay Guddiga hawshaa Waddada waddaa Diiwaangeliyeen Magacyadooda iyo qof waliba Xaddiga Lacagta uu ku darsadanayo dhismaha Waddadaas.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore Boqol Kun oo Doollarka Maraykanka ah ugu Deeqday dhismaha Waddada isku xidha jidka u dhexeeya Balli-gubadle iyo Hargeysa, Lacagtaas oo uu Bishii Ramadaan ee shalay dhammaatay curashadeedii maalmo ka hor uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ku wareejiyey Guddiga dhismaha Jidka isku xidha magaalooyinka Balli-gubadle iyo Hargeysa, taasoo uu sheegay inay Xukuumaddu kaga qayb-qaadanayso dhismaha Waddadaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.