Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbaddii ugu qiimaha badnayd ka jeediyey Salaadda Ciidul-Fidriga

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ra’iisul wasaaraha, Xubnaha Golaha Wasiirrada, Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka iyo laamaha kale ee dawladda, ayaa kumannaan dadweyne ah Salaadda Ciidul-fidriga kula tukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho. Waxaanu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa.

88

88 1 2 3 4 5 7 8 9 66

Salaadda Ciidul-Fidriga ka dib, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu Masjidka Isbaheysiga kala hadlay Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ugu horreen ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasibadda ciiddul Fidriga, isago sidoo kale ka hadlay Midnimada Umadda, iyo joojinta colaad Beeleedyada.

Madaxweynaha ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan, isla markaana ay joojiyaan Colaadaha aan Mincaha badan ku dhisneyd ee dalka dib u celinaya, waxauna  ku boorriyey dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo Midnimo iyo wada hadal  in ay isugu yimaadaan.

Sidoo kale madaxweeyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khubaddiisa sii wata, ayaa ka hadlay, dhibaatada Qalaafka uu dalkeenna u leeyahay, waxa uu mar kale hoosta ka xariiqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalladaasi, waxa uu hey’adaha ammaanka ee dowladda faray in ay tallaabada ku habboon ka qaadaan cid walba oo hurineysa colaad shacabka lagu waxyeeleynayo, odeyaasha Dhaqanka iyo Culimada Soomaaliyeedna ay  gacan ka geystaan sidii colaadaha loo joojin lahaa, iyadoo madaxweynuhu ku baaqay is cafin guud.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in loo istaago sidii loo sii xoojin lahaa la dagaallanka kooxaha nabad diidka ah, waxa uu waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dhallinyaradooda kala soo baxayaan kooxaha argagixisada ah, Shacabka Soomaaliyeed oo dhanna ay diyaar u yihiin la dagaallanka nabad diidka, isagoo intaa raaciyey madaxweynaha in Dowladda Soomaaliya ay soo dhoweneyso ciddii ka soo laabata fikirka Xagjirnimada ah.

Dhinaca kale, wasiirrada,  masuuliyiinta kale ee dowladda  iyo shacabka Soomaaliyeed ee salaadda ku wada Dukaday salaadda Ciidda ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasibadda Ciidda, waxa ayna ka codsadeen in ay u dhaga nuglaadaan baaqa madaxweynaha ee ahaa is cafin guud.

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS/RADIO ka dhegayso Codka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu ka jeediyey Salaaddii Ciidul-fidriga oo uu boqollaal dadweynaha Reer Muqdisho ah kala qaybgaleen isaga, Raysal-wasaaraha iyo Masuuliyiinta kale ee Laamaha dawladda badankoodu.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.