Ciid Mubaarak: Muslimiinta Dunida Islaamka oo Barri Salaadda Ciidul-Fidriga Ooga

Hargeysa(Aftahannews):- Ciid Mubaarak Kulli-Caam Wa Antum Bil khayr, Isniinta Berri haddii Allaah yidhaahdo, ayaa guud ahaan dunida waxay Islaamku uga dabbaal-degayaan Ciidda Barakaysan ee Ciidul-Fidri oo ka mid ah labada Ciidood ee Islaamka, waxaanay Caalamka Islaamku Berri oogayaan Cibaadada Salaadda Ciidul-fidriga.

CIID MUBAARAK

Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ayay Muslimiintu badi soo soomeen 29 maalmood oo Axaddii maanta ku buuxay, halka qaarkood ay Soddon Maalmood soo soomeen, balse inta badan 29 ayay ugu dhammaatay Bisha Barakaysan ee Ramadaan, iyagoo Muslimiintu 29/30-kaa cisha-ba soo gutay badankoodu Cibaadada Allaah ee Soonka, Salaadda markasta faralka ah iyo Salaadaha Sunnaha ah ee Ramadaanta aadka loo oogo ee Taraawiixda iyo Salaatul Laylka, kuwaasoo Habeenkii Cisho ka dib iyo labada Habeennimo illaa saddexda iyo badhka la kala tukanayey.

Sakada Fidriga loo yaqaan ee Sakaatul-Fidriga oo ku waajibtay Muslimiinta, ayaa bixintiisa ay dadka qaarkood bilaabeen, halka kuwa kalana ama intooda badanina ay Salaadda Subax marka laga soo baxo illaa inta u dhaxaysa intaan la gelin Salaadda Ciidda ay gudanayaan bixintiisa, iyaga oo guddoonsiinaya ama siinaya Masulimiinta ay ku waajibtay Sekadu.

Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, ayaa Caawa magaalada Hargeysa ka shaacisay inay tahay Ciid oo Berri oo Isniin ah la tukan doono haddii Illaahay yidhaahdo Salaadda Ciidul-fidriga, waxaanay Masuuliyiinta Wasaaraddu Hambalyo u direen guud ahaan ummadda Muslimiinta ah ee meel kasta oo ay dunida ka joogaan, gaar ahaanna Shacabka Somaliland oo ay u rejeeyeen in Allaah sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo nabad, horumar, caafimaad iyo farxad.

Bahda Warbaahinta Aftahannews guud ahaan meelkasta oo ay kala joogaan waxay Hambalyo iyo Salaan qaaliya hawada u marinayaan oo uu dirayaan guud ahaan Shucuubta Islaamka ee caalamka oo dhan, gaar ahaanna Ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha, waxaannu leenahay Ciid Mubaarak, Kulli-Caam Wa Antum Bil-khayr, Allaah Ciiddan Ciiddeeda ha innagu gaadhsiiyo, nabad, caafimaad, midnimo, wada-jir, farxad, raynrayn, bashbash iyo barwaaqo Insha ALLAAH. Aammiin…Aammiin……Aammiin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.