Jabuuti(Aftahannews):- Munaasibaddii Meher Gabdheed ee ugu ballaadhnayd, isla markaana ay ka qaybgalaan Masuuliyiintii iyo Madax-dhaqameedkii ugu tirada badnaaa ee ka kala socota dalal kala duwan ee ka dhacday Mandaqadda Geeska Afrika, ayaa ka qabsoontay magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, taasoo la isugu Hibeeyey Wasiirka Waxbarashada iyo Tabobbarrada Xirfadaha Jamhuuriyadda Jabuuti Dr. Jaamac Cilmi Cukuye iyo Haybado Ismaaciil Cumar Geelle, Gabadhaas oo uu dhalay Madaxweynaha Jabuuti Ismaacii Cumar Geelle.
Munaasibadda waxa ka qayb-galay oo lagu marti-qaaday Siyaasiyiin, Madax-dhaqameed iyo Xubno sharaf ka kala socotay dhammaan deegaannada Soomaalidu degto, kuwaas oo dhammantood uu ku marti-qaaday Madaxweynaha Jambuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.