Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo si Damqasho badan uga hadlay dilka Xildhibaan Saado Cali

Muqdisho(Aftahannews):- Guddoomiyaha Baarlaamanka Federaalka ah ee Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa uga tacsiyadeeyay Qoyska, ehelada, Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed falkii maanta lagu dilay marxuum Xildhibaan Saado Cali Warsame.

GUDDOOMIYE JAWAARI SAADO CALI WARSAME AFTAHANNEWS

Prof Jawaari ayaa yiri “INNAA LILLAAHI WAA INNAA ILAYHI RAAJICUUN, maanta gacan ka gardaran ayaa dishay Xildhibaan Saado Cali Warsame oo si gaadmo ah ku dilay, waxaana la socday Cabdullaahi Xuseen Yabarrow oo ka mid ahaa howlwadeenada Golaha Shacabka, waxaana dhamaan Xildhibaannada Golaha Shacabka, Ummadda Soomaaliyeed iyo Ehelada uga tacsiyeeynayaa dilka Xildhibaan Saado, waxaan kaloo rabaa in aan u tacsiyeeyo Fanaaniinta Soomaaliyeed oo ay ka tirsaneyd”.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa tilmaamay in falalka lagu beegsanayo Xildhibaanada iyo dilalka kale ee shacabka lagula kacayo uusan marna Qaranka Soomaaliyeed niyad jab gelin doonin, ayna howsha Qaranku sii socon doonto oo aysan jiri doonin howl u hakaneyso.

“Golaha Shacabka waxa uu ka koobanyahay 275- Xildhibaan, ma dhicin in maalin uu hoos uga dhaco shaqadiisa, inkasta oo ay jireen Xildhibaanno geeriyooday iyo kuwa la dilay, marka hadaad is leedihiin Qaranka Soomaaliyeed baad hakineysaan waxaan idin leenahay taas waxa waaye mid riyo nala ah” ayuu  yiri Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

“Dhammaan ehelada, asxaabta iyo Xildhibaannadaba waxaan leeyahay samir iyo iimaan Eebbe ha naga wada siiyo, annaguna aan u soo wada duceyno in Illaahey uu Saado Cali Warsame jannada Fardowsa uu ka waraabiyo.” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Guddoomiye baarlamaanka Soomaaliya.

INNAA LILLAAHI WAA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.