Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dilka argagixisadu ku khaarajisay Marxuumad Saado Cali Warsame

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay Geerida Naxdinta leh ee lagu dilay Marxuumad Saado Cali Warsame oo ahayd Fannaanad Soomaaliyeed oo caan ah, isla markaana ka tirsanayd wakhtigan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

XASAN SHEEKH MAXAMUUD IYO SAADO CALI WARSAME

Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa guud ahaanba Shacabka Soomaaliyeed, Xildhibaannada Golaha Baarlamanka, Qoyska, Ehelada, Asxaabta iyo Fannaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan uga tacsiyadeeyey Geerida naxdinta leh ee ku timi Allaah ha u naxariistee Fannaanaddii Caanka ahayd ee Saado Cali Warsame dhawrkii sano ee u dambeeyey-na ka tirsanayd Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Malleeshiyada Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab ku dileen gudaha magaalada Muqdisho.

“Innaa Lillaahi wa innaa Illaahi raajicuun, geeridu waa xaq, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu samir iyo iimaan naga siiyo marxuumad Saado Cali, iyadana jannadiisa Fardowsa uu ka waraabiyo. Dhammaan eheladda, asxaabta iyo xildhibaannadaba waxaan leeyahay samir iyo iimaan Eebbe ha naga wada siiyo, annaguna aan u soo wada duceyno in Illaahey uu Saado Cali Warsame jannada Fardowsa uu ka waraabiyo.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dilka ay Al-Shabaab u geysatay Marxuumad Saado Cali Warsame.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in kooxaha Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab, aanay dawladda Soomaaliya ka leexin Karin dedaalka ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu jiraan. “Kooxaha nabad-diidka ah iyo argagixisadu nagama leexin karaan dedaalka aan dalka ugu soo celineyno nabadda iyo horumarka.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Md. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu shacabka ugu baaqay inay Hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii loo soo qaban lahaa dadkii ka danbeeyey falkan foosha-xun ee Marxuumad Saado Cali Warsame iyo weliba kuwa geystay dilalka ka horreeyey ee Masuuliyiinta kala duwan ee Laamaha dawladda iyo dilka Shacabka-ba, si sharciga loo horgeeyo.

Allaah ha u naxariistee Marxuumad Saado Cali Warsame oo ahayd Fannaanad Caan ah oo ku suntan Fanka ummadda Soomaaliyeed iyo horumuudka Fannaaniinta, ayaa tan iyo sannadkii 2012-kii ka mid ahayd Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya illaa maanta laga dilay, waxaana Masuuliyadda dilkeeda Sheegatay Malleeshiyada Argaggixisada Al-Qaacida ka tirsan ee Al-Shabaab, iyadoo maanta oo ay Ramadaan ahayd 25, July-na ahayd 23 Koox hubaysan oo gaadhi watay ay rasaas ku fureen Gaadhiga ay Marxuumaddu saarnayd, halkaas oo ay Marxuumadda iyo Darawalkii Baabuurka u waday ku naf-waayeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.