Maraykanka iyo Yurub oo Baqasho awgeed u joojiyey Duullimaadyada Diyaaradaha tegi jiray dalka Israa’iil

Tel Aviv(Aftahannews):- Waddamada Maraykanka, Yurub iyo dalalka kale ee Reer Galbeedka, ayaa si rasmi ah u joojiyey Duullimaadyada Diyaaradaha kala duwan ee u kala gooshi jiray waddamadooda iyo Magaalooyinka dalka Israa’iil Cabsi soo food-saartay awgeed oo ay ka qabaan Gantaalaha ay ganayaan Mujaahidiinta Xaq-u-dirirka ah ee Ururka Xamaas ee Falastiin oo ka jawaabaya Duqaymaha ay Yuhuuddu ku xasuuqayso Shacabka reer Falastiin ee ku dhaqan magaalada Qasa.

Delta

Germanwings

Sawaariiqda Ururka Xamaas ka rideen magaalada Gaza ee uu ka socdo dagaalka ciidammada Yuhuuddu ku qaadeen shacabka Falastiin, ayaa ku dhacay meel Kilomitir iyo badh (1.6KM) u jirta madaarka diyaaradaha ugu wayn ee ku yaal caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv oo magaciisa lagu sheegay Ben Gurion shalay Salaasaddii, kaas oo la sheegay inuu ku dhaawacmay hal qof oo Yuhuudi ahi.

Warkaasi markii uu soo baxay ayaa dawladaha Maraykanka, Kanada iyo kuwa Yurub si degdeg ah u go’aansadeen inay mamnuucaan duulimaadyada diyaaradaha ee tagaya madaarka Tel Aviv, iyagoo sheegay in aanay Israa’iil ammaan ahayn.

Hay’adda maamusha hawada Maraykan (FAA), ayaa amartay saddexda diyaaradood ee Delta, United iyo US Airways oo u kala goosha Maraykanka iyo Israa’iil inay hakiyaan duulimaadyadooda Tel Aviv muddo 24 saacadood ah.

Amarkaasi hay’adda Hawada Maraykanka waxa markiiba qaatay shirkadaha diyaaradaha Delta iyo United oo labadoodu sheegay inay mamnuuceen hawlahoodii Israa’iil ilaa mustaqalka dhaw, iyadoo diyaaradda Delta duulimaadkeedii Salaasaddii oo ka baxayey magaalada New York u weecisay magaalada Paris ee xarunta Faransiiska, halka diyaaradda US Airways sheegtay in aanay weli go’aan ka gaadhin amarka joojinta duulimaadyada.

Sidoo kale, shirkadaha diyaaradaha ugu waawayn Yurub oo ay ka mid yihiin Lufthansa, Swiss, Germanwings iyo Austrian Airlines, ayaa dhammaantood ku dhawaaqay inay joojiyeen duulimaadyadoodii tagayey Israa’iil muddo laba maalmood ah, shirkadaha KLM iyo Air France ay iyagu sheegeen inay mamnuuceen duulimaadyadii Salaasaddii shalay oo keliya.

Dhinaca kale, shirkadda diyaaraha ugu wayn Ingiriiska ee British Airways oo bogeeda ay ku leedahay shabakadda bulshadu ku xidhiidho ee Twitter-ka kaga jawaabtay su’aalo macaamiisheedu ku waydiiyeen, ayaa sheegtay inay qiimaynayso xaaladda, isla markaana ay sidoodii yihiin duulimaadyadeedii qorshaysnaa.

Haseyeeshee, Wasiirka Gaadiidka ee Israa’iil, ayaa ku dooday in ammaanka madaarka diyaaradaha ee Tel Aviv uu yahay mid sugan oo aanay jirin sabab shirkadaha diyaaraduhu u joojiyaan duulimaadyadooda.

Tallaabadan diyaaradaha dalalka reer galbeedka oo ah xulafada Israa’iil ku joojiyeen duulimaadyadoodii, ayaa ka mid noqotay khasaaraha isdabajoogga ah ee Yuhuudda ka soo gaadhaysa weerarka ay ku qaaday magaalada Gaza ee Falastiin tan iyo markii ay ciidammadeedu bilaabeen duullaanka dhulka wax ka yar toddobaad ka hor, iyadoo arrintani timi maalin ka hor markii Israa’iil qiratay inuu ka maqanyahay askari hore Xamaas u qabsatay, isla markaana 27 kale laga dilay.

Ururka Falastiin ee Xamaas ayaa in ka badan 2,000 (laba kun) oo gantaal ku gannay Israa’iil muddadii colaaddu socotay, kuwaas oo khasaare culus oo isugu jira naf, maal iyo dhaqaaleba u gaystay Isrtaa’iil.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.