Fannaanaddii Caanka ahayd ee Xildhibaan Saado Cali Warsame oo Al-Shabaab ku dishay Muqdisho

Muqdisho(Aftaannews):- Allaah Naxariistii Janno haka waraabiyo ee Fannaanaddii Caanka ahayd ee Saado Cali Warsame, isla markaana sannadahan u dambeeyey ka mid ahayd Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho, waxaana Masuuliyadda dilkeeda sheegatay Malleeshiyada Al-Shabaab.

SAADO CALI WARSAME

Rabbi ha u naxariisto ee Marxuumad Saado Cali, ayaa maanta lagu toogtay Dhabarka dambe ee Huteelka ay deggenayd ee Ambassador oo ku yaalla jidka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo lala dilay Darawalkii Gaadhiga u waday, ka dib markii ay Koox Hubaysan oo Gaadhi wadatay is-garab-taageen Baabuurta Marxuumadda, isla markaana ku fureen Tacshiirad Hubka culus ee darandoorriga u dhaca ah, ka dibna ay halkaas ka baxsadeen oo aanay cidi gacanta ku dhigin Dhagar-qabayaasha Gacan-ku-dhiigleyaasha ah, sida ay Xaqiijiyeen Xildhibaanno iyo dad kale oo goob-joogayaal ahaa marka dilkaasi dhacayey.

Masuuliyadda dilka Allaah ha u naxariistee Marxuumad Saado Cali Warsame, ayay Malleeshiyada Al-Shabaab sheegatay, isla markaana ku tilmaameen mid ka mid ah dilalka Qorshaysan ee ay Nabad-diidkooda Al-Shabaab ku doonayaan inay ku laayaan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Al-Sabaab.

“Ciidamadeenna gaarka ah ayaa fuliyay dilka Xildhiabaan Saado Cali Warsame, waxayna tani qayb ka tahay dilalka qorsheysan ee aan doonayno inaan ku layno Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi Sarkaal u hadlay Malleeshiyada Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab isla maantaba.

Dawladaha Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa si kulul u cambaareeyey dilka Marxuumad Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd Fannaaniinta caanka ah ee horumarka gaadhsiiyey, kana gaadhay Fanka Soomaalida oo ay Hibo iyo Hoodaba ku lahayd Marxuumaddu.

Allaah ha u Naxariistee Marxuumad Saado Cali Warsame ayaa wixii ka dambeeyey Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, waxay ku noolayd ama degganayd Waddanka Maraykanka, waxay ku dedaashay in ummadda Soomaaliyeed aan la kala jarjarin, isla markaana meel la isugu keeno, inkasta oo aanay hindisahaas oo ay Heeso badan ka tirisay lagu guulaysan weli, iyadoo laba toddobaad ka hor ku soo laabatay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, waxaanay ka mid ahayd Xildhibaannada ugu caansan Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Maantana way ka hoyatay dunida, ee waxaannu leenahay ALLAAH ha u naxariisto Marxuumadda, ILLAAHAY-na Samir iyo Iimaan Saadiq ah haka siiyo dhammaan ummadda afka Soomaaliga ku hadasha, gaar ahaanna qoyskeeda, Baarlamaanka Soomaaliya iyo Eheladeeda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.