Soomaali ka qaybgalay Koobka Tartanka Ciyaaraha Curyaamiinta oo ka furmay dalka Maraykanka

St Paul(Aftahannews):- Magaalada St Paul ee gobalka Minnesota waxaa maanta ka furmay koobka Wheelchair Hocky Leugue ee Waqooyiga Ameerika, iyadoo ay ka qayb-galayaan Ciyaartoy naafo ah oo ku socda Wheelchair, waxaana kooxaha tartamaya ay kala yihiin saddex ka socda Canada iyo shan ka socda Mareykanka, waxaana ka mid ah Ciyaartoyda tartankani u bilaabmay Maxamed Xasan Cawad oo ah nin Soomaali ah una Ciyaaraya Canada, sida aannu ka soo xigannay Shabakadda Hiiraan oo warkan baahisay.

201472263541600357085911010395809_10204343257124307_8684560423378182937_n

201472263541600438535417810530873_10204343261404414_4874997856258356819_n 201472263541600987136400210462829_10204343259284361_8701226442918293890_n 201472263541600269413487110382831_10204343258964353_1704885769241816751_n 201472263541600200546543010374448_10204343257164308_7865879498088198411_n 201472263541601159950298410409644_10204343259644370_7204024348563596471_n

Seddexda kooxood ee ka socota dalka Canada ayaa mid ka mid ah koox lagu magacaabo Ottowa Capital, waxaa u ciyaara Maxamed Xasan Cawad oo asalkiisu Soomaali yahay, waana shaqsiga keliya ee Soomaaliga ah ee tartankan ka qayb-galaya.

Maxamed Xasan Cawad  wuxuu ciyaartan Hocky Wheelchair dheelayay tan iyo sannadkii 2010-kii oo uu billaabay, wuxuuna haatan ka mid yahay ciyaartoyda laf-dhabarka u ah kooxdiisa Ottowa Capital oo kulankoodii koowaad kaga adkaaday koox ka socotay Minnesota uu oo ay 3-1 uga badiyeen, goolasha mid ka mid ahna waxaa dhaliyay ciyaaryahan Maxamed.

Sidoo kale, Cawad waa ciyaartoy aad u jecel dheelista ciyaartan Wheelchair Hocky oo u sheegay inaanu la’aanteed ahaan karin. Ciyaaryahan Maxamed ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dadka naafada ah ee Soomaaliyeed ay kalsooni weyn isku qabaan, aaminaanna inay wax walba sameyn karaan, isagoo ugu baaqay bahda naafada Soomaliyeed inay ka qayb-qaataan noocyada ciyaaraha oo u sheegay inay  u horseedayaan farxad iyo dhiirranaan, isla markaana ay door ku yeelanayaan bulshada oo ay kalinnimada uga baxayaan.

Maxamed Cawad oo dhaliyay goolkii koowaad ee tartanka ka furmay Minnesota ayaa waxaa ka muuqatay farxad, isagoo sidaan kor xusay ah xiddigga kooxda Otawa. Maxamed wuxuu ka codsaday jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota inay kasoo qayb-galaan ciyaarta caawa oo Talaado ah 7:00 Fiidnimo dhacaysa; tasoo lagu galayo lacag la,aan waxayna ka dhacaysa St Paul xarunta Exel Energy, isagoo Maxamed Soomaalida ka dalbaday inay soo qaataan calankeena buluugga ah inkastoo aan Canada u ciyaarayo haddana Soomaali baan ahay.

Maxamed oo qura ma ahan Soomaalida ka dhex-muuqada ciyaaro noocan oo kale ah waxaa hore guulo u gaaray Magan Daahir Yuusuf oo dagan dalka Netherlands ciyaarana ciyaarta miiska caana ku noqday.

Xigasho Hiiraan.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.