Dawladda Soomaaliya Maxay ka tidhi dagaalka Yuhuuddu ku Xasuuqayso Shacabka Qasa?

Muqdisho(Aftahannews):- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku biirtay dawladahaha dunida Islaamka qaar ka tirsan oo cambaareeyey Xasuuqa badheedhka ah ee ay Yuhuudda Israa’iil ku hayso Shacabka aan hubaysneen ee reer Falastiin oo ay labadii toddobaad ee u dambeeyey ku hayeen duqayn Cirka, Dhulka iyo Badda ah oo ay ku garaacayaan magaalada Qasa oo ay ku tileen ku dhawaad shan boqol oo shacab ah, illaa saddex kun ku dhaawaceen, kumannaan kalena ku bara-kiciyeen.

Israel starts ground offensive in Gaza Strip

Xukuumadda Federaalku waxay si kulul u cambaaraysay Xasuuqa lagu hayo Maatida aan hubaysnayn ee reer Falastiin, waxaana sidaas lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay maanta Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay Xukuumaddu ku cambaaraysay warkan go’aankii Israa’iil ay ku sheegtay 20-kii bishan inay ku xoojinayso duulaankooda joogtada ah oo ay ku qaadday Marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

War-Saxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa Wasiirka arrimaha dibedda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayuu lagu sheegay inay cambaareynayaan duullaanka lagu qaaday dadka ku nool marinka Gaza ee go’doonsan iyo beegsashada rayidka aan waxba galabsan, taasoo ah wax ka hor-imaanaya qiimaha bani’aadanimada, dhaqammada iyo qawaaniinta caalamiga ah.

Wasiirku waxa uu War-Saxaafadeedkiisan ku yidhi; “Waxaan ka codsanaynaa Israa’iil inay si dhaqso ah ku joojiso dagaalka iyo duqeynta culus ee ay ku qaadday shacabka Falastiin, waxaanu ku dhawaaqeynaa inaan barbar-taagannahay maamulka iyo shacabka Falastiin iyo inaan taageersannahay hindisaha ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar 14-kii bishan si xabadda loo joojiyo.”

Waxa uu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Mr. Bayle ku sheegay warkiisan qoraalka ah inay ugu baaqayaan dhammaan dadka xorta ah ee caalamka inay sii ambaqaadaan dhaq-dhaqaaqa diblamaasiyadeed ee lagu joojinayo cadaawadda laguna badbaadinayo nafta dadka aan waxba galabsan sida caruurta, haweenka iyo dadka da’da ah ee ku nool marinka Gaza iyo in la diyaariyo jawi u qalma oo lagu joogteynayo deggenaanshaha iyo wada-xaajoodka nabadda iyo nabad ku wada noolaanshaha.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Warkan ay ku cambaaraysay Xasuuqa iyo Duqaynta Shacabka reer Falastiin ee Qasa ay ku hayso Yuhuuddo, ayaa ku soo beegmay wakhti lix iyo toban cisho ay Israa’iil duqayn joogto ah ugu hayso magaalada Qasa iyo Shacabka ku nool, waxaanay Soomaaliya sidaa kaga mid noqonaysaa dhawr dawladood oo Muslim ah oo cambaareeyey weerarrada lagu xasuuqayo Shacabka Falastiin oo uu ugu horreeyo waddanka Turkiga oo isagu si cad uga hadlay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.