Faahfaahin dheeri ah oo ka soo baxaysa dilka saddex Marxuum oo Meydkooda laga helay Nairobi

Taliska Booliska Kenya oo iska indha-tiray ogaanshaha iyo sababaha loo dilay saddex Marxuum oo Soomaali ah oo Meydadkooda laga helay Nairobi

Nairobi(Aftahannews):- Iyadoo maalin kahor laga helay halka lagu keeydiyo meydadka ee magaalada Nairobi, sedex qof oo Soomaali ah oo la dilay ayaa waxaa dilalkooda kasoo baxaya faahfaahinno dheeraad ah, sida aannu ka soo xigannay Shabakadda Hiiraan.com oo warkan faahfaahinta ah baahisay.

Maxamuud_Cali_Maxamuud

Goobtii_laga_afduubay

Axmed Max’ed oo loo yaqaan (Axmed Sukuurad) oo ah madaxa nabadgelyada xaafadda Islii oo wareeysi gaar ah siiyay HOL ayaa sheegay in koox dhar cad ay dukaankiisa ka kaxeysteen 23-kii June, ganacsade Max’uud Cabdi Max’uud oo ah qofka keliya ee meydkiisa la gartay, tan iyo xilligaasna la la’aa.

 “Dukaan uu lahaa ayaa waxaa ugu yimid kooxo dhar cad ah oo sheegtay in ay ciidamo yihiin waxayna weeydiiyeen sharcigiisa, markii ay mudo doodayeen ayay ka dalbadeen in uu fuulo gaari ay wateen si ay u geeyaan saldhigga booliska Bangaani, wixii markaasi ka danbeeyayna lama arag ganacsadahan, balse maalin kahor ayaa meydkiisa laga helay qolka lagu keeydiyo meydadka ee magaalada Nairobi,” ayuu Axmed Sukuurad u sheegay HOL.

Xilliga marxuum Max’uud laga kaxeystay goobtiisa ganacsi ayaa ahayd waqti ay xaafadda Islii ka socdeen howlgallo lagu qab-qabanayay Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

“Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool xaafadda Islii iyo guud ahaan magaalada Nairobi waa in aysan raacin qof aysan hubsan inuu ciidan yahay,” ayuu markale yiri Axmed Sukuurad.

Xigasho Hiiraan.com.