Tahriibayaal Dad Soomaaliyeed ku jiraan oo ku naf-waayey Badda u dhaxaysa Afrika iyo Yurub: Daawo

Rome(Aftahannews):- Ugu yaraan 19 qof oo muhaajiriin Afrikaan iyo Carab Isugu jira ayaa ku geeriyooday Badda u dhaxaysa Woqooyiga Afrika iyo Yurub, ka dib markii ay Doonidii ay saarnaayeen oo ku sii jeedday dalka Talyaaniga ay ku qarraqan tahay biyaha badda Mediteraniyaanka.
Doonta oo ay saarnaayeen 600 qof oo ka baxay xeebaha dalka Liibiya, ayaa mishiinkeedu ku cilladowday iyada oo maraysa meel u dhow xeebaha Talyaaniga, waxaana u gurmaday ciidamada Badda Talyaaniga, sida ay baahisay wakaaladda wararka ANSA ee dalka Talyaaniga.
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga oo ka war-helay qaylo-dhaan ay direen dadka doonida saaran ka dib markii uu cilladoobay mishiinkii Doonta oo la sheegay inay saarnaayeen 600 muhaajiriin ah, haseyeeshee nasiib-darro intii aanay ciidamada badda Talyaanigu soo gaadhin, ayaa mawjadaha baddu burburiyeen doonta oo ka samaynayd looxaan macmal ah, waxaana markii dambe maydadkooda la helay 18 qof halka oo qof kale uu geeriyooday intii ay socotay hawsha samato-bixinta muhaajiriinta, sida ay sheegtay wakaaladda Talyaaniga ee ANSA.
Warku waxa intaas ku daray in laba qof oo kale la dhigay cusbitaal ku yaala Jaziiradda Sicily ee dalka Talyaaniga. Dadka doonta Saarnaa ayaa isugu jiray muwaadiniin u kala dhashay Waddamada Eritrea, Soomaaliya iyo Suuriya.
Bishan gudaheeda oo kaliya, waxa ay ciidamada ilaalada Xeebaha Talyaanigu badbaadiyaan 1,500 muhaajiriin u kala dhashay waddamada Afrika iyo Bariga Dhexe Todobaadyadii u dambeeyey waxa si xawli u ah u bilaabmay safarka muhaajiriin isku-dayaysa inay u tahriibaan qaaradda Yurub, iyada oo taas lagu sabeeyey jewiga badda oo deggen iyo qul-qulatooyinka iyo sharci la’aanta ka jirta dalka Liibiya oo muddooyinkan kor u kacday.
Hay’adda Qaxoontiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR), ayaa sheegtay inay 500 qof ku geeriyoodeen biyaha badda Mediterranean sannadkan oo kaliya, marka la barbardhigo sannadkii hore oo ay ku geeriyoodeen 700 qof, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Halkan hoose ka daawo Muuqaalladdaas oo dhammaystiran.


Xigasho Somalilandpost.net
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.