Soomaali 16 sano ku xidhan Italy oo ka warramay qaabkii loo xukumay, kiiska loo haysto iyo waqtiga u hadhsan

Italy(Aftahannews):- Xaashi  Cumar Xasan waa nin Somali ah oo mudo 16 sanadood ah ku xidhan dalka Talyaaniga kadib markii lagu xukumay 26 sanadood oo xadhig ah iyadoo  loo haysto dacwada gabadh Suxufiyad ahayd oo dalka Talyaaniga u dhalatay oo sanadkii 1994 lagu dilay magalada muqdisho.

0D11F5C4-6B0C-4553-B74D-237219F7D394_w443_h249

Xaashi Cumar Xasan wuxuu VOA da u sheegay in lagu soo eedeeyay dilka iLaria Alpi oo ahayd Suxufiyad hawlo baadhitaan u tagtay dalka Somalia horaantii sagaashameeyadii isla markana iyada iyo Camera man kii la socday lagu dilay Muqdisho.

Ninkan oo sannaadkii 1998-kii dalka Talyaaniga u tegay arrimo ka baxsan Kiiska loo qabsaday, ayaa Ciidammada ammaanku ka qabteen magaalada Rome, ka dibna waxa lagu soo oogay dacwaddan uu u xidhan yahay.

Inksta oo uu sheegay in xilligi dilkaasi dhacayay uu ka maqnaa magaalada Muqdisho wax lug ahna aanu ku lahayn. Haddaba, waxa VOA-da u suuro-gashay in aan ay khadka Taleefanka ku heshso  Xaashi Cumar Xasan oo mar mar loo oggolaado inuu Teleefanka Isticmaali karo, isla markaana Jeelka uu ku jiro dibedda uga bixi karo. Weriye Sahra Ciidle Nuur, ayaa ka Waraysatay xaaladdiisa iyo muddada dheer ee uu Xabsiga ku jiro.

Halkan hoose ee Aftahannews RADIO, ka dhegayso Waraysigaas ay Ninka 16-ka sano xidhan la yeelatay Weriyaha Laanta Afka Soomaalida ee Idaacadda VOA-da  Sahra Ciidle Nuur oo aannu warkan ka soo xigannay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.