Wararkii u dambeeyey ee Diyaaradda lagu soo riday Ukraine, Meydad la guray iyo Kormeerayaal la xannibay

Ukraine(Aftahannews):- Dawladda Ukrain ayaa Kooxaha Mucaaridka ku ah ee Ruushku taageero, kana dagaallama Bariga Waddanka Ukriane, inay ku kaceen sidii ay u baabbi’in lahaayeen caddaymaha meeshii ay ku dhacday diyaaraddii Malaysia lahayd ee Khamiistii lagu soo riday Bariga dalkaas ee ay Fallaagadu joogto, kuna dhaw xadka ay Ruushka iyo Ukraine wadaagaan.

DIYAARADDII MALAYSIA EE LAGU RIDAY UKRAINE

Qoraal ay soo saartay dawladda Ukrain maanta ayay sheegtay in dad ay ugu yeedhtay argaggixiso, ay qaadeen Soddon iyo Sagaal Meyd oo ay geeyeen meesha Meydka ee magaalada Donetsk. Waxaanay Ukriane intaas ku dartay in Gooni-u-goosadka Ruushku taageero ee iyada Mucaaridka ku ahi ay taageero ka helayaan Khoborada arrimaha diyaaradaha iyo baadhistooda ka hawlgala ee dawladda Ruushka.

Wali jawaab lagama hayo Mucaaradka iyo dawladda Ruushka eedeymahan caddaynta la qarinayo ay kaga jawaabayaan. Sidoo kale, Hoggaamiyaasha caalamka ayaa ugu baaqay fallaagada Bariga Ukraine in ay u oggolaadaan Kormeerayaasha in ay si aan xaddidnayn u gaaran goobta ay Khamiistii ku dhacday diyaaraddii Rakaabka ee ay saarnayeen ku dhowaad 300 ee qof oo dhammaantood ku dhintay diyaaraddaas la soo riday.

Kormeerayaasha ka socday Midowga Yurub ee loo diray goobta ay gacanta ku hayaan fallaagada dalka Ukrain ee sida muuqata lagu soo riday diyaaraddii Malaysia, ayaa sheegaya in Rag hubaysan oo qaarkood ay Sikhraansanaayeen ay ka hor istaageen in ay gaadhaan ama ay arkaan burburkii diyaaradda dhacday, kuwaasoo.

Afhayeen u hadlay Kormeerayaasha Caalamiga ah ee loo diray goobta Diyaaraddaasi ku dhacday ee Bariga waddanka Ukraine, ayaa sheegay in Rag hubaysan oo qaarkood Khamri ka dhargeen, isla markaana ay Sikhraansanaayeen oo maankoodu doorsoonaa ay is hortaaageen, iyagoo weliba sida uu sheegay Rasaas ku furay ay Cirka u ridayeen inteeda badan. Waxaanu xusay Afhayeenku in ay Kormeerayaal ahaan doonayeen in ay halkaas ka sameeyeen Xeendaab, si loo bilaabo baadhitaanno loona soo saaro Meydadka burburka diyaaradda ku hoos-jira, hase-yeeshee, aanay taasi u suuragelin, sidii ay rabeenna hawshu ugu qabsoomin.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa sheegay in ay jiraan caddeymo muujinaya in diyaaradda lagu soo riday gataal, Gantaalkana laga tuuray dhulka ay Maamulaan fallaagada gooni-u-goosadka Ruushku taageero ee dagaalka kula jira dawladda Ukraine. Obama waxa uu hadalkiisani ku soo aadayaa waqti ay Madaxda dalalka caalamku soo jeedinayaan in baadhitaan caalamiya oo dhammaystiran lagu sameeyo diyaaraddaas iyo sababta ay u soo dhacday.

Madaxweynaha Ruushka, ayaa isagu Khamiistii markii Diyaaraddaas la soo riday sheegay inay dawladda Ukraine Masuul ka tahay diyaaraddaas lagu soo riday Bariga dalkeeda, hase-yeeshee, dawladda Ukraine ayaa iyaduna eedayn taas la mid ah u jeedisay fallaagada ka soo horjeedda ee Ruushku taageero, inkasta oo ay fallaagada Masuul u hadlay maalintaas uu sheegay inaanay awood u lahayn inay diyaarad toban kun oo Mitir ku duulaysa ay ku soo ridi karaan, balse Ukraine iyo Maraykanka ayaa isku raacay inay Ruushku Fallaagada siiyeen Hub Casri ah oo ay ka mid yihiin Gantaalaha Lidka diyaaradaha.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.