Itoobiya oo Shuruud ku xidhay furusta Xadka isfahamkii Siilaanyo dhex-maray ka dib iyo Wefti u baxay

Hargeysa(Aftahannews):- Dawladda Itoobiya, ayaa wadahadalkii dhex-maray Raysal-wasaaraha dalkaas iyo Madaxweynaha Somaliland, ka dib waxay Shuruud ku xidhay furista Xuduudka ay labada dal wadaagaan oo warkii ay soo saareen kulanka ka dib dhinaca Somaliland ku sheegeen in Itoobiya iyo Somaliland isla garteen in la furo xadka. Hase-yeeshee, Shuruuddan ayaa soo baxday sida la sheegayo warkaas ka gadaal, Shuruuddaas oo ah inay Madaxda Hay’adaha Amniga Somaliland si buuxda u dammaanad-qaadaan nabdgelyada Xadka.

somaliland iyo itoobiya

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ay Weheliyaan Madaxa Sirdoonka Somaliland iyo Saraakiil Hay’addaas Sirdoonka ka tirsan, ayaa gelinkii dambe ee Sabtida u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu Wasiirku sheegay inay u tagaayaan arrimo la xidhiidha nabadgelyada iyo furista Xuduudka ay wadaagaan labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ujeeddada socdaalkooda Itoobiya isaga iyo Xubnaha la socdaa u tegayaan Itoobiya ugaga sii warramay Weriyeyaasha intii aanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa. Warkiisaas oo dhammaystiran-na ka daawo Muuqaalkan hoose.

Daawo Warka Cali Waran-cadde Bixiyey.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Madaxweynaha Somaliland ku weheliyey wadahadalka dhex-maray Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland ee Raysal-wasaaraha Itoobiya ay Somaliland sheegtay inuu ku ballan-qaaday furista xadka u dhexeeya labada dal oo tan iyo bishii hore xidhan oo ay Itoobiya dhankeeda ka xidhay inay xagga Somaliland wax uga gudbaan haba-yaraatee, halka dhinaceeda Ganacsiga ugu badan ee ka yimaadda oo Qaadka ahi aanu daqiiqad istaagin ama joogsan oo aanay saamayn ku yeelan xuduudka xidhani.

Haddaba, Wasiir Maxamed Biixi oo isaguna gelinkii dambe ee Sabtidii dalka ku soo laabtay isagoo Itoobiya ka yimi, isla markaana Warbaahinta kula hadlayey Madaarka Hargeysa, ayaa sheegay in Raysal-wasaaraha Itoobiya ballan-qaaday inuu si dhaqso ah u furayo xadka oo arrimo nabadgelyo ay dawladdiisu u xidhay sida uu sheegay, isla markaana Weftiga Wasiir Waran-cadde hoggaaminayo ee ay is-waydaaranayaan sii xoojinta arrimahaas Xuduudka iyo nabadgelyada kala soo hadli doonaan Itoobiya.

Sidaa daraaddeed, waxa muuqata inaanay weli Itoobiya go’aansan inay si dhib yar u furto xadka ay la wadaagto Somlailand, maaddaama oo ay Shuruud ku xidhay is-af-garashadii furista Xadka ee dhex-martay ama ay isla qaateen Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya, waxaana la sheegay inay tahay Shuruudda ay Itoobiya Somaliland ku xidhay inay Masuuliyiinta laamaha Amniga Somaliland si buuxda u dammaanad qaadaan nabadgelyada Xuduudka ay labad dal wadaagaan.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Somaliland ka talisa ayay ka soo oodmeen dariiqyada ama marinnada ay la wadaagto dawladaha Jaarka la ah ee Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaasoo labadooduba Xuduudka ay Somaliland la wadaagaan u xidhay sida ay sheegeen arrimo la xidhiidha nabadgelyada iyo ammaanka dalalkooda.

Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa iyadu wixii ka dambeeyey 24-kii bishii May ee sannadkan Xadkeeda xidhatay, ka dib markii ay qaraxyo ka dhacay magaalada Jabuuti laba qof oo fuliyey la sheegay inay ka gudbeen dhinaca Somaliland oo ay sii dhex-mareen sidaasna Jabuuti ku tageen.

Inkasta oo Wefti uu hoggaamiyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo Bilawgii Bishan Barakaysan ee Ramadaan tegay Jabuuti ay sheegeen inay wadahadal ay dawladda dalkaas la yeesheen ka dib isku-afgarteen in la furo Xadka ay wadaagaan labada dal, haddana waxa jira Cabashooyin is-daba-joog ah oo ay Gaadiidlayda u kala goosha Somaliland iyo Jabuuti ka muujinayaan Xadka oo ay toddobaadkii hore sheegeen in loo diiday inay u gudbaan Jabuuti.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.