Xukuumadda Siilaanyo oo ku gacan-saydhay Baaqyo Masuuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridku u jeediyeen

Xukuumadda oo ka hadashay Xuduudka weli xidhan ee ay Itoobiya la wadaagto iyo inay sii ballaadhinayso wadahadallada ay kula jirto dawladda Soomaaliya

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku gacan-saydhay Baaqyo labadii toddobaad ee u dambeeyey ka soo yeedhayey Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee dalka, kuwaasoo Xukuumadda ka dalbanayey inay ka baxdo wadahadallada ay kula jirto Soomaaliya, hase-ahaatee, waxay sheegtay inaanay ka bixi doonin ee ay sii wadi doonto, isla markaana sii ballaadhin doonto.

Baaqyada Xisbiyada Mucaaradka ahi ku dalbanayeen inay Xukuumadda Somaliland ka baxdo wahadalka ay Soomaaliya kula jirto, ayaa yimi ka dib markii ay sida ay ku doodeen dawladda Federaalku ka baxday qod ka mid ah kuwa heshiiska lagaga gaadhay wadahadallada labada dhinac oo la xidhiidhay Maamulka Hawada oo la rabay in si wada-jir ah loogala soo wareego Qaramada Midoobay Maamulka Hawada dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray, balse ay Xukuumadda Federaalku sheegtay inay keligeed la wareegayso bilaha soo socda.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa toddobaadkii hore shaaciyey mar uu ka hadlayey Maamulka Hawada ee ay Soomaaliya la wareegayso, haddii ay go’aanka ay qaadatay ee ah inay keligeed la wareegto Maamulka Hawada dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray oo ay ka baxdo heshiiska labada dhinac ku jireen ee ahaa in lala soo wada wareego inay Somaliland-na taa beddelkeeda ka bixi doonto wadahadallada ay kula jirto Soomaaliya. Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Bixii Yoonis, ayaa sheegay inay Somaliland sii wadayso wadahadalladaas.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta gelinkii dambe Weriyeyaasha ugu warramayey qolka Nasashada garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, wakhtigaas oo uu ka soo laabtay safar uu ku joogay magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya, waxaanu sidoo kale warkaas kaga hadlay arrimo la xidhiidha furitaanka xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo ay dawladda Ethiopia xidhay bishii hore, welina xidhan, balse aan Ganacsigeeda ay Somaliland keento oo Jaadka ama Qaadku ugu horreeyo ka xidhnayn, balse wixii Somaliland ka tegayo oo keliya ka xidhan, taasoo uu xusay inay Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya ka wadahadleen toddobaadkii hore oo uu Siilaanyo safar ku sii maray Addis isagoo London ku sii jeeday.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Biixi oo dhammaan arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaya, Muuqaalkan hoose ka daawo Muuqiisa iyo Codkiisa oo wada socda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.