Wasiir Xaglo-toosiye oo Sheegay inay Cusbitaalka guud ee Hargeysa ka dhigayaan mid heer caalami ah

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay inay Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa horumarinayaan, isla markaana ay ka go’an tahay inay gaadhsiiyaan heer uu la mid noqdo Cusbitaallada caalamiga ah ee dunida.

Wasiir Xaglo-toosiye waxa uu sidaa ku sheegay mar uu ka hadlay  maanta oo Sabti ahayd kulan uu xadhigga ka jaray dhisme lagu kordhiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hareysa, isla markaana Maamulka Cusbitaalka ku wareejiyey Laba Gaadhi oo Ambalaasyo ah oo loogu deeqay oo loogu talo-galay in loogu gargaaro Hooyada iyo Dhallaanka.

Halkan hoose ka daawo Warkaas oo Muuqaal ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.