Somaliland Maxay ka tidhi Eedayn culus oo loogu jeediyey Warbixin Caalami ah oo la soo saaray?

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay lugta ay ku leedahay eedayn loogu jeediyey Warbixin Urur caalami ah oo ka shaqeeya ilaalinta Duur-joogta Adduunka oo la yidhaahdo CITES, kaasoo warbixintiisa ku sheegay inay Somaliland Marin muhiima u noqotay dhoofinta Duur-joogta sida sharci-darrada ah looga ganacsado oo ay sheegeen inay dhibaato badan ku hayso sii jiritaanka nolosha Duur-joogtada dalalka Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo maanta shir jaraa’id ku qabatay Xafiiskeeda magaalada Hargeysa, ayaa jawaab ka bixisay warbixintaas, isla markaasna qirtay in Xeebaha dalka Somaliland qaarkood si dhuumasho iyo kootaro-baan ah loog dhoofiyo Ugaadha sida sharci-darrada ah looga ganacsado, taasoo uu Ururku sheegay in loo dhoofiyo waddamada Khaliijka Carabta oo loo sii marsiiyo Yemen marka Somaliland Xeebeheeda laga dhoofiyo.

Haddaba, Wasiirka Deegaanka Somaliland Shugri Xaaji Baandare waxa ay ku sabababysay Duur-joogta laga dhoofiyo Somaliland, qaabka looga dhoofiyo, sababta ay wax uga qaban waayeen Xukuumad ahaan, heerkooda awoodeed, qorshayaasha wax-ka-qabashada arrintaas ku aaddan iyo faham la’aanta dhinaca Bulshada dhammaan iyadoo qodobbadaas iyo kuwo kale-ba ka hadlaysa waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Hoose ee Shirka Jaraa’id ee ay Wasiir Shugri maanta ku qabatay Xafiiskeeda Hargeysa.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka iyo Hadalka Wasiirka Deegaanka Somaliland Shugri X. Ismaaciil Baandare iyo waxay ka tidhi-ba.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.