Ujeedka Shir Culimada Islaamka uga furmay Istanbul oo Raysal-wasaaraha Turkiga oo farriin culus ka diray

Istabul(Aftahannews):- Shirweyne ay ku kulmayaan Culimada Caalamka Islaamka, isla markaana loogu yeedhay ‘Kulanka Culimada Dunida Islaamka ee nabadda, joojinta Xag-jirnimada iyo daadinta dhiigga Muslimiinta, ayaa ka furmay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga, kaasoo uu ka qaybgalay Raysal-wasaaraha Turkiga oo shirkaas ka sheegay inaan loo dul-qaadan Karin, gacmahana laga laaban karin Xasuuqa ay Yuhuudda Isra’iil ku hayso Shacabka reer Falastiin ee Islaamka ah.

SHIRWEYNAHA CULIMADA ISLAAMKA EE TURKIGASHIRKA ISTANBUUL UGA FURMAY CULIMADA ISLAAMKA

SHIRKA CULIMADA ISLAAMKA EE STANBUL SHIRWEYNAHA CULIMADA ISLAAMKA EE TURKIGA

Waxaa Sidoo kale, Shirkaas ka qaybgalay Raysal-wasaare Ku-xigeenka Federaalka ahna Wasiirka Aw-qaafta iyo arrimaha Diinta ee Soomaaliya, waxaana Shirkan Culimada Islaamka ee ka furmay Istanbul isugu yimi Culimo tiro badan oo isaga kala yimi inta badan dalalka Islaamka ee dunida, waxaanu Shirkaas oo furmay 17-kii bishan Julay ee aynu ku jirno uu socon doonaa illaa maanta oo ay bishu tahay 19, Bisha Ramadaan-na tahay 21.

Waxaa Shirkan Culimada dalalka Islaamka isaga kala kumi ku kulmeen diiradda lagu saaray Xiisadaha ka taagan dalalka Ciraaq iyo Suuriya ka dib markii waxa lagu magacaabay dawladda Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam ay la wareegtay Magaaloyin fara badan oo dalka Ciraaq ka tisan. Shirkan oo socon doona inta u dhexeysa 17ka illa iyo 19 July 2014. Waxaa ka soo qeybgalay Culimo iyo Waxgarad ka socda dalal gaadhaya 32 dal ay ka mid yihiin Boosnia, Herzegovia, Japan, Iraq, Russia, Italy, Somalia , Bulgaria, Masar, Turkiga oo marti-geliyey iyo dalal kale oo ka tirsan dalalka Caalamka Islaamka. Waxa sidoo kale, si aad ah loogu cambaareeyey Shirkaas dagaalka gardarrada ah ee Yuhuuddu ku hayaan Muslimiinta Falastiin ee aan waxba galabsan bisha barakaysan ee Ramadaan Isra’iil ku soo duushay, dhibaatada badanna ugu geysteen Shacabka Falastiin ee dunida Gaalada iyo Islaamku-ba daawanayaan.

Shirka sidoo kale, waxaa ka soo qeybgalay Madaxda ugu sarreysa dalka Turkey-ga sida Madaxweyne  Abdullah Gül, Raysal-wasaare  Recep Tayyip Erdoğan iyo Wasiirka arrimaha dibeda Ahmet Davutoğlu, shirkan oo maanta la soo gebo-gabayn doono haddii Rabbi Raalli ka noqdo, waxaa lagu wadaa in laga soo saaro War-Murtiyeed ku waajahan dunida Islaamka kuna saabsan joojinta dhiigga ku dadanaya dunida Islaamka iyo Xag-jirnimada.

Raysal-wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo Shirkaas Culimada Islaamka dalkiisa ku marti-geliyey oo isna kulanka ka hadlay, ayaa ugu baaqay Yahuudda in ay ka waantoobaan dagaalka Xasuuqa Carruurta iyo Maatida Muslimiinta ah ee Falastiin, isagoo sheegay inaanay arrintasi ahayn wax la aqbali karo oo gacmaha laga laaban karo. Waxaanu sidoo kale ku baaqay Raysal-wasaaraha Turkigu in Aqoonyahanka, Wax-garadka iyo Culimada Islaamka ah ee ku dhaqan dalalka Ciraaq iyo Syria ay u istaagaan joojinta dhiigga Muslimiinta ee maalin kasta qulqulaya ee dalalkaas ka socda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.