Naftii Hallige Miinaysan oo Isku Qarxiyey Guriga Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubbaland ee Kismaayo

Kismaayo(Aftahannews):- Weerar ismaadaamin ah oo oo uu fuliyey qof naftii hallige ah oo isku soo rakibay waxyaabaha qarxa, ayaa maanta gelinkii danbe isku qarxiyay guri uu daganaa Siyaasi Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah Saraakiisha sare ee Maamulka Jubbaland ee hogaamineeysa howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Iftiin Baasto

Weerarka, ayaa lagu soo warramayaa in uu geystay Ruux walxaha qarxa isku soo xidhay, kaasoo gudaha u galay guri uu degganaa Masuulkan, waxaana uu isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen ilaalada Sarkaalkan.

Illaa hadda inta la ogyahay lix qof oo afar tirsani ay Askar yihiin, ayaa ku dhimatay ku dhawaad 5 kale oo ay ku jiraan dad shacab ahna waxaa kasoo gaarayo dhaawacyo, iyadoo uu ka badbaaday Iftiin Xasan Baasto oo lala damacsanaa weerarka.

Iftiin Xasan Baasto oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkan uu geystay ruux naftii hure ah, isagoo sheegay in ay ka hortageen ciidamo ka tirsan ilaaladiisa, wuxuuna xusay in afar askari ay uga dhimatay weerarkaasi.

Saraakiisha maamulka Jubba ayaa ku eedeeyay weerarkan in ay ka danbeeyay xoogagga Al-shabaab, haseyeeshee ma jiro wax war ah oo ku saabsan arintaasi oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Iftiin Xasan Baasto ayaa kamid ah Saraakiisha horkaceeysa howlgallo maalmihii u danbeeyay ka socday deegaanada dhanka koonfur galbeed uga  beegan magaalada Kismaayo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.