Xafiiska Raysal-wasaaraha Britain oo ka hadlay cidda beddelaysa Wasiirkii dibedda ee iska casilay

London(Aftahannews):- Xafiiska Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron ee magaalada London, ayaa shaaca ka qaaday in Xogyahihii Difaaca Philip Hammond uu beddeli doono Wasiirka Arrimaha Dibedda William Hague oo xalay xilli dambe si lama filaan ah isaga casilay xilkaas.

2088CEBE-345E-467A-B53F-0707B9981951_w268_r1

Is-casilaadda Wasiirkii arrimaha dibedda Britain William Hague, ayaa ku soo beegantay wakhti la sheegayo inuu Raysal-wasaare Cameron qorshaynayey inuu isku-shaandhayn ku sameeyo xubnaha Golihiisa Wasiirrada. Hammond ayaa dhowaaan taageerey in Britain ay isaga baxdo Midowga Yurub haddii aan EU dhaqangelin isbeddello muhiim ah.

Mr. Cameron ayaa sidoo kale la filayaa inuu shaaciyo isbeddelo kale oo uu maanta ku sameyn doono golihiisa wasiirada, isla markaana uu ku soo daro haween badan, si uu uga jawaabo dhaleeceynta ah in dowladdiisa ay ragga keliya u badan yihiin.  Ilaa iyo lix dumar ah ayaa lagu wadaa inay ka mid noqdaan golaha wasiirada ee ka kooban 23-ka xubnood.

Hague ayaa ka sii mid ahaan doona baarlamanka ilaa sannadka dambe, markaas oo uu sheegay inuu ka fariisan doono siyaasadda heerka qaran.

Michael Fallon, ayaa loo magacaabey inuu noqdo Wasiirka Difaaca, waxaana uu beddeldayaa Hammond. Fallon waxaa uu horey u ahaa kaaliyaha wasiirka tamarta, waxaa uu isna ka mid yahay xubnaha u ololeeya in Brtain ay ka baxdo Midowga Yurub haddii aan la sameyn is-beddello.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.