Dab xalay ka kacay Suuq ku yaalla magaalada Muqdisho oo Khasaare badan geystay

Muqdisho(Aftahannews):- Dab xooggan oo khasaare badan oo Hantiyeed geystay, ayaa xalay ka kacay Suuq ku yaalla degmada Wada-jir ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, kaasoo gurmad xooggan ay u galeen Ciidammada kala duwan ee dawladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo dadweyne tiro badan si ay dabkaas u bakhtiiyaan.

Saacado dhawr ah ka dib, ayaa lagu guulaystay inay Ciidammada iyo Shacabka oo is-kaashanayaa demiyaan dabkaas oo lagu soo warramayo inuu ahaa mid aad u xooggan. Qaar ka tirsan Ganacsatada Suuqaas oo Dharka iyo Agabyada kale lagu iibin jiray, ayaa sheegay in Hanti badani ku gubatay Suuqaas, hase-yeeshee, aanay jirin wax dhimasho ah oo uu Dabku geystay.

Sidoo kale, dhaawacyo halis ah oo uu Dabkaasi dheliyey weli lama soo sheegin, hase-yeeshee, waxa khasaare xooggani soo gaadhay dadkii ku ganacsanayey Suuqaas oo hantidoodu gubatay. Waxa lagu guulaystay in markii dambe la bakhtiiyo dabkaas, isla markaana laga guro waxa gubtay mooyee waxa aan dabku waxyeellaynin ee Meherada Ganacsiga Suuqaas.

Dabkan ayaa lagu soo warramayaa inuu waxyeelleeyey ka sokow Meherada Dharka dhismayaal ay Saliid ku keydsaneyd.

Deminta dabka waxaa ka qeyb galay dab-demisyo. Amniga ayaana aad loo adkeeyay. Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cadulle Afrax ayaa asigoo ku sugnaa suuqa gubtay waxa uu u warramay Axmed Xaji Xassan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.