Dawladda Soomaaliya oo Dhiggeeda Turkiga Deeq Abaal-marin ah ku wareejisay

Muqdisho(Aftahannews):- Dawladda Soomaaliya, ayaa ka jawaab-celisay caawimada iyo dedaalka ay Turkigu ugu jiraan wax la qabashada iyo taageerista Soomaalida, isla markaana waxay dhineceeda dawladda Turkiga ku wareejisay deeq abaal-marin u ah wax-qabadka Turkigu muujiyey, iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in Turkigu illaa 200 oo Shaqaale ka joogay Soomaaliya ka tirsan uu la baxay.

DSC03732

 DSC037291

DSC03711 DSC03712 DSC03713 DSC03716 DSC03717 DSC03720 DSC03721 DSC03723 DSC03725 DSC03726 DSC03730 DSC03731 DSC03732 DSC03733 DSC03735 DSC03736 DSC03737 DSC03739 DSC03740 DSC03741 DSC03748 DSC03749

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay hey’adda gargaarka Caalamiga  u qaabilsan dowladda Turkiga ee TIKA, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda ay hey’addaasi ka fuliso Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Shahaado sharaf guddoon siiyey hey’adda Laanqeyrta Cas ee dalka Turkiga oo adeegyo kala duwan oo isugu jira Caafmaad iyo horumarin ka fulisay gudaha dalka kaddib kulan uu Muqdisho kula yeeshay mas’uuliyiinta sarre hey’addaasi, iyadoo kulankaasi looga hadlay sida ay ku xoojin lahaayeen howlaha gurmad ee ay ka wadaan dalka, ugana dadaalka iyo horumarka ay hey’adda Laanqeyrta Cas ee dalka walaalaha Turkiga ka wadaan Soomaaliya, gaar caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaailiya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, waxa uu  u sheegay in u jeedada shahaaddo guddoonsiinta hey’adda Bisha Cas ee Turkiga ay tahay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay aqoonsan yihiin waxqabadka ballaaran ee ay hey’addaasi ka waddo dalkeenna Soomaaliya.

Hey’adda Laanqeyrta Cas ee waddan Turkiga ayaa ka mid ah hey’adaha badan ee ka socda dalkaasi, kuna sugan dalkeenna Soomaaliya si ay u caawiyaan dadka Soomaaliyeed, iyadoo hey’adaha dowladda Turkiga ee Soomaaliya ku suganna ay yihiin hey’ado fulinaya gurmadka dowladdaasi ay Soomaaliya u fidisay tan iyo 19 August markii uu Soomaaliya yimid Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xilli ay wararka soo baxayaa sheegayaan inay dawladda Turkigu dalka Soomaaliya kala baxday illaa laba boqol oo qof oo shaqaale ka ahaa Mashaariicda horumarineed ee ay dawladdaasi Soomaaliya ka fuliso, kuwaasoo la sheegay inay dhammaantood ahaayeen Muwaaddiniin Turkiga u dhashay oo hawlo samo-fal ka waday Soomaaliya, isla markaana ay gaadheen dalkooda Turkiga.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.